Wasaaradda Deegaanka oo Xasuuq deegaan ku tilmaantay Dhir ay Dawladda Hoose ee Hargeysa Cagaf ku jartay

Hargeysa-(Berberanews)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta Somaliland Maxamed Faarax Xirsi, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa si kulul u cambaareeyey Dhir qoyan oo ay Dawladda Hoose ee Hargeysa ku jartay hawlgal ay tan iyo shalay ka wadda magaalada dhexdeeda.

Agaasime Maxamed Faarax waxa uu sheegay inaan loo baahnayn inay dawladda hoose layso Dhirta oo Bilic ahaan iyo deegaan ahaanba faa’iido badan u leh dalka iyo dadkaba, isaga oo cambaareeyey tallaabada lagu xasuuqay ku dhawaad soddon geed oo magaalada Hargeysa ku dhex-yaallay.

“Annagu wasaaradda Deegaanka ayaanu nahay shaqadayaduna waxa weeye geedka nool magaalo haku yaalo ama miyi ha ku yaalee inaanu masuul ka nahay ilaalintiisa iyo daryeelkiisa, sharcina wuu ka yaallaa ay goleyaasha iyo Madaxweynuhuba ansixiyeen, markaa saaka waxaan soo maray wadadda Cusbitaalka hor marta oo dhir faro badan oo aan Wasaarad ahaan waxba nalaga weydiin oo nala horkeenin in sharci lagu jaray.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka Somaliland, waxa uu sheegay in dhirta dawladda hoose jartay qaarkood yihiin kuwo wakhti dheer ku kora oo illaa konton sano, oo ay adagtay sida mar dambe loo beeri karo, isla markaana loo manaafacaadsan karo. Agaasime Maxamed Faarax oo arrinta aka hadlayaana waxa uu yidhi; “Geedku bilicda magaalada isaga ayaa kaw ka ah, dhirta la jarayna waa dhirta cimrigoodu dheer yahay ee ku kora 50 sano.”

Agaasimaha guud ee Deegaanka Maxamed Faarax oo hadalkiisa siiw wataa waxa uu yidhi; “Haddii cid masuul ahi ay amarkaa bixisayna sharci ayaa ka yaalla dhirta goynteeda. Haddii aan la qaban qofka masuulka ah ee geed jara, dadka kale ee miyigana cid qaban kari mayso.”

Si kastaba ha ahaatee, dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa, ayaa shalay Suuqyada magaalada, gaar ahaan Suuqa waaheen oo ah ka ugu weyn Hargeysa ka bilawday hawlgal hal qof ku dhintay, laba kalena ku dhaawacmeen oo ay ku xaadhayso meherada ganacsi ee Waddooyinka dacalladooda buux-dhaafiyey, hawlgalkaasoo ay dhir badan oo qoyan ku jartay maanta iyo shalayba dawladda hoose.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.