Shirkaddii ugu horraysay oo ku dhawaaqday ka qaybgalka Tartanka Haamaha Shiidaalka Berbera

Dubai-(Berberanews)-Maareeyaha Shirkadda JETOIL ganacsade Cawil Cawl Cabdillaahi, ayaa daboolka ka qaaday inay shirkadoodu ka qaybgelayso tartanka Haamaha Shiidaalka Berbera, soona dhaweeyay go’aanka xukuummaddu ku fasaxday  Qandaraaska ay ku bixinayso.

Ganacsade Cawil Cawl waxa uu ugu baaqay Guddida Qandaraasyada Qaranku inay dhex u noqdaan shirkaddaha loolanka ugu jira tartanka Haamaha oo aanay cid gaara garabka saarin.

“Shirkadda JET oil waxay soo dhawaynaysaa uguna mahadnaqaysaa xukuummadda Somaliland go’aanka ay ku fasaxday in tartan qandaraas ay ku bixinayso Kaydka Haamaha shiidaalka Berbera, taasoo aanu hore u aaminsanayn, islamarkaana aanu hore isugu daynay ka qaybgalka tartankaas, ka hor intii aan xukuummaddu u gacangelin Gudida sida ku meelgaadhka ah u soo maamulaysay.”ayuu yidhi Ganacsade Cawil Cawl oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Shebekadda Berberanews, isagoo ku sugan magaalada Dubai, waxaannu intaa raaciyay oo yidhi, “Guddida Qandaraasyadda Qaranka waxaan ugu baaqayaa inay si cadaalad, xalaal  iyo dhexdhexaadnimmo ah ugu xaqsooraan Shirkaddaha doonaya ka-qaybgalka tartanka Haamaha Shiidaalka, oo aan cid gaara laga xigtaysan shirkadaha loolanka ugu jira.”

 

Ganacsade Cawil waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin buuxinta wixii shuruudo looga baahanyahay tartamayaasha, islamarkaana uu dhawaan dalka keenayo xubno ajaanib ah oo ka socda shirkad ay ku midaysanyihiin tartanka haamaha shiidaalka, waxaannu yidhi “Shirkadda Jet Oil waxay diyaar u tahay ka qaybgalka tartanka Haamaha shiidaalka Berbera, anagoo hore u keenay hawlwadeenno ka tirsan shirkadad Jet Oil oo ajaanib ah, kuwaasoo indho indhayn ku sammaysay xaaladda haamaha, islamarkaana waxaannu dalka keenaynaa xubno kale oo ka socda shirkad ajaanib ah oo aannu ku midaysanahay tartanka Haamaha.

Shirkadda JETOIL waxay diyaar u tahay buuxinta wixii shuruudo ah ee looga baahanyahay ka-qaybgalayaasha tartanka Haamaha Shiidaalka Berbera, iyadoo aanu hore ugu guulaysanay inaanu daboolno baahidii shiidaalka diyaaradaha wakhtigii kala guurka ahaa markii dalka laga caydhiyay shirkaddii TOTAL ee hore u maamulaysay haamaha shiidaalka Berbera.”

Ganacsade Cawil Cawil Cabdillaahi waxa uu xukuummadda Somaliland ku bogaadiyay kaqaybgalka shirkii London oo uu sheegay inuu soo hooyay guullo waaweyn oo ay ka mid tahay shirkadaha maalgashi ee adduunka oo idhaha ku haya Somaliland.

“Gebogabadii, waxaan bigaadin u dirayaa xukuummadda Somaliland, xisbiyadda qaranka iyo masuulliyiinta Goleyaasha Qaranka ee ka qaybgalay shirkii London, kaasoo ay ka soo baxday natiijo farxadgelisay shacabka Somaliland, islamarkaana u soo hoysay Somaliland inay il gaara ku soo eegaan shirkadaha maalgelinta ee adduunku. ” ayuu yidhi Ganacsade Cawil.

Berberanews.com

Berbera, Somaliland

Email,info@berberanews.com