Madaxweyne Siilaanyo ma la soo guryo-noqon doonaa Jewigii Xidh-xidhnaa ee uu Warbaahinta ku qaabbili jiray?

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wefti culus oo uu hoggaaminayo oo dhawaanahanba safar shaqo ugu maqnaa waddanka Ingiriiska oo ay kaga qabygaleen shir Soomaalida loogu qabtay magaalada London ee dalkaas, ayaa la filayaa inay maalinta Jimcaha ah dalka dib ugu soo laabtaan.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu hoggaaminayo oo tan iyo markii la soo gebo-gabeeyey shirkii lagaga hadlayey arrimaha Soomaalida oo 23-kii February 2012 ee toddobaadkii hore lagu soo gebo-gabeeyey magaalada London ee carriga Ingiriiska kulammo kala duwan la qaadanayey madax kala duwan oo ku sugan waddanka Ingiriiska, ayaa la sheegay inuu maalinnimada Jimcaha ee oo ku beegan labada bishan March dalka dib ugu soo laaban doono.

Safarkan shaqo ee uu Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftiga uu hoggaaminayo oo ka kala socda Golayaasha Baarlamanka, Xukuumadda, Xisbiyada Siyaasada, qaar ka tirsan Ururrada cusub ee Siyaasadda iyo xubno kale, ayaa ka duwan safarradii uu ugu bixi jiray dalalka dibedda, isla markaana ah safarkii ugu horreeyey ee Madaxweyne Somaliland ah iyo wefti uu horsocdaa kaga qaybgalaan shir lagaga hadlayo arrimaha Soomaalida tan iyo intii ay Somaliland jirtay.

Waxa la filayaa in Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Weftigiisu dalka kula soo laabtaan Jewigii uu hore dalka ugula soo laaban jiray, maaddaama oo loo arko inay Somaliland guulo wax ku ool ah ku hanatay ka qaybgalka Shirkaas oo bulshada qaarkeed iyo xubno siyaasiyiina oo faro-ku-tiris ahi u arkayeen Shir Somaliland aanay faa’iido ugu jirin, hase ahaatee, aragtidaasi is beddeshay markii Madaxweynaha Somaliland shirkaa Khudbad ka jeediyey, Somaliland-na loogu qaabbilay qaabka dawladaha waaweyn loogu casuumay shirkaas.

Waxa la eegayaa marka uu Madaxweynuhu dalka Somaliland soo gaadho inuu warbaahinta ugu warramo qaab xidhxidhan oo tan iyo markii uu xilka qabtay looga bartay marka uu dalka ka dhoofayo iyo marka uu ku soo laabanaya-ba, iyada oo masuuliyiin Xukuumaddiisa ka tirsani had iyo jeer marka uu Madaxweynuhu yimaaddo ama tagayo ay warbaahinta xayiraad ka saaraan inay wax su’aalo ah ka weydiiyaan guulaha uu la soo guryo noqday iyo ujeeddada uu u dhoofaya-ba, kuwaasoo diida in Md. Siilaanyo wax su’aalo ah la weydiiyo, mararka qaarna yidhaahda Weriyeyaasha waxa loo oggol-yahay kaliya saddex ama laba su’aalood, tallaabooyinkaas oo mar walba caqabad ku noqda inay Saxaafaddu ka bogoto waxa Madaxweynaha u soo qabsoomay ama waxa uu la dhoofayo.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.