Diyaarado Weerarro Duqayn ah Xalay ka fuliyey Dalka Soomaaliya

Af-goowe-(Berberanews)-Diyaarado Ku dagaalka ah ayaa caawa cawayskii duqeeyey deegaanno hoostaga degmada Afgooye oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose ee dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha dowladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya u jooga gobalka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Sheekh Maxamed Nuur oo Saxaafadda la hadlay  caawa cawayskii ayaa sheegay in ay jiraan duqayn loo geestay fadhiisimmo ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanno  hoostaga degmada Afgooye.

Wuxuu Sheegay illaa iyo labo deegaan in ay duqayntu ka dhacday, isla markaana la beegsaday Saldhigyo ay Malleeshiyada Al-Shabaab oo dawladda dagaal kula jiraa ku leeyihiin deegaannadaas.

Dhawaanahanba duqaymo kala duwan oo ay fulinayaan diyaarado dawlado kala duwani leeyihiin oo ka soo duula saldhigyo ku kala yaalla sida la sheegay Itoobiya, Kenya iyo Maraakiib dagaal oo taagan Xeebaha Soomaaliya, ayaa duqaymo kala duwan ka fuliya gobollada koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo bartilmaameedsada goobaha ay ka taliso ama ay saldhigyada ciidan ku leeyihiin Malleeshiyada nabad-diidka ah ka dagaallanta Soomaaliya, iyada oo duqaymaha qaarkood lagu dilay Saraakiil sarsare oo Ajaanib iyo Soomaali isugu jira oo ka tirsan Malleeshiyaadka Al-Shabaab.

Diyaaradaha qaar ayey sheegtaan Millateriga dawladda Kenya oo afartii bilood ee u dambeeyey dagaal kula jira Maleeshiyada Al-Shabaab oo ay kula dagaallamaan gudaha dalka Soomaaliya, halka qaarkood la aamminsan yahay inay ka kacaan Saldhig Millateri oo dawladda Maraykanku ku leedahay dhinaca Koonfur-galbeed ee waddanka Itoobiya, halka qaarkoodna aan cidda leh iyo meelaha ay ka soo kacaan weli si rasmiya loo aqoonsan.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.