Dawladda Shiinaha oo markii ugu horreysay oggolaatay in Cadaadis la saaro Suuriya

Hargeysa-(Berberanews)- Dawladda Shiinaha oo markii hore si weyn uga soo horjeedday in Cuna-qabatayn la saaro dawladda Suuriya, ayaa hadda ku biirtay cadaadiska caalamiga ah ee la saarayo waddankaas inay u ogolaato gargaar biniaadannimo in la gaadhsiiyo dadka dagaalka ku dhaawacmay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Shiinaha Yang Jiechi, ayaa taageeray in cadaadis la saaro Suuriya, ka dib markii Wasiirrada arrimaha dibedda ee Carabta iyo madaxda Jaamacadda Carabta Nabil Al Carabi oo hoggaaminayay cadaadiska la saarayo Madaxweynaha Suuriya Bushar al Assad, oo ka dhaga-adaygay inay Ciidammadiisu joojiyaan tacaddiyada dilka, kufsiga, jid-dilka, dhaawaca iyo xadhigga ah ka daayaan shacabka dalkiisa.

Shinaha iyo Ruushka ayaa lagu dhaleeceeyay inay hor istaageen go’aan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ugu baaqaysay in uu Madaxweyne Assad xukunka ka dego. Waxaa jira qorshooyin goaan cusub ee Qaramada Midoobay oo ansixinaayo gargaarka biniaadannimo ee la siinayo dadka reer Syria.

Waa markii ugu horreysay ee ay dawladda Shiinuhu oggolaato in cadaadis la saaro Suuriya, tan iyo markii ay qul-qulatooyinka kacdoonka shacabka ku bilaabmeen dalkaas bilawga sannadkii hore ee 2011. Waxaanay dhawr jeer ooh ore dawladda Shiinu gaashaanka ku dhufatay in cuno-qabatayn iyo cadaadisyo la mid ah dunidu saarto dawladda Suuriya.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.