Amnesty International oo Baaq culus ka soo saartay Gumaadka lagu hayo Suxufiyiinta Soomaaliya

London-(Berberanews)- Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International, ayaa ku baaqday in la joojiyo dilalka Weriyeyaasha Soomaalida eek a hawlgala Hay’adaha warbaahineed ee Soomaalida, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ee xarunta dalkaas oo Suxufiyiin badan oo aan waxba galabsan lagu khaarajiyey bilihii u dambeeyey.

Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International oo fadhiguuda guud yahay magaalada London ee waddanka Ingiriiska, ayaa warbixin ay soo saartay ku cambaaraysay dilalka joogtada ah ee lagu hayo Weriyeyaasha Soomaalida ee dalka gudihiisa ka hawlgala. Warbixintan oo uu soo saaray xafiiska Afrika u qaabbilsan hay’addaas shalay, ayaa lagu sheegay in laba bilood oo keliya lagu dilay Muqdisho saddex suxufi, taasina ay tahay khatar lagu hayo Weriyeyaasha ka howlgala xarunta dalka Soomaaliya ee Muqdisho, isla markaana ay arrinta gumaadka Suxufiyiintu helis kale ku yahay dadka  u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Aadamaha ee ku sugan Soomaaliya.

“Abuukar Xasan Maxamuud (Kadaf) wuxuu ahaa Weriyihii saddexaad ee lagu dilo Muqdisho muddo laba bilood gudahood ah iyadoo ciidammada dowladdu ay hadda ka taliyaan Muqdisho oo dhan.” ayaa lagu yiri warbixinta. Ammaanka Muqdisho oo ay DKMG ah ka taliso ma noqon karo mid la isku halleeyo haddii aan lasoo qaban oo aan lala xisaabtamin kuwa mas’uulka ka ah weerarrada ka dhan ah suxufiyiinta iyo dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda aadanah,” sidaa ayaa lagu yidhi qayb ka mida warbixinta Amnesty International.

Waxa Warbixinta lagu sheegay in Marxuum Abuukar Kadaf oo ahaa agaasimaha idaacaddii Somaliweyn oo ay damisay Al-shabaab sannadkii 2010 lagu toogtay iridka gurigiisa habeenkii Talaadada, waxaana dilay laba nin bastoolado ku hubeysan, waxaana isla shalay lagu aasay qubuuro ku yaalla Muqdisho. “Dadaal waa in lagu bixiyo sidii lagu joojin lahaa weerarrada ka dhan ah suxufiyiinta iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha. Waana in la baaro kuwa dilalkaas geysta lana horgeeyo sharciga.” ayay Amnesty ku sheegay warbixinteeda.

Hay’addu waxay sheegtay in beegsiga suxufiyiinta iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ay xooggoodu ka billowdeen Muqdisho sannadkii 2007 illaa 2008. Iyadoo hay’addu ay beesha caalamku ka codsaday in laga shaqeeyo sidii lagu soo celin lahaa nabadda Soomaaliya. Ugu yaraan 25 Weriye ayaa lagu dilay Soomaaliya laga soo billaabo sannadkii 2007, tiro intaas ka badanna dhaawacyo kala duwan ayaa loo geystay sida ay hay’addu ku sheegtay warbixinteeda.

Si kastaba ha ahaatee, Tacaddiga iyo dilalka Weriyeyaasha ayaa  dhawrkii bilood ee la soo dhaafay soo badanayey, isla markaana midna aan cidda dishay si rasmiya loo aqoonsan, iyada oo Warbaahinta Muqdisho qaarkeed dilalka Suxufiyiinta ee joogtada noqday ku eedeeyey in qaarkood ay dawladdu lug ku leedahay, ka dib markii la sheegay in Weriye Cabdisalaan Sheekh Xasan Xiis oo ka hawlgali jiray Xafiiska Horn Cable TV ee magaalada Muqdisho uu xabbad ku dhuftay nin la sheegay inuu ku labbisnaa dirayska Ciidanka dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.