Xukuumadda Somaliland oo shaacisay inay qandaraas ku bixinayso Haamaha Shiidalka Berbera

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Somaliland Cabdirisaaq Axmed Khalliif, ayaa daboolka ka qaaday inay xukuummadu tartan qandaraas ku bixinayso gacan ku haynta Haamaha Shiidaalka Berbera

 Wasiir Khalliif, waxa uu sheegay Tallo-bixin iyo xog ururin Guddi ka kooban Wasaaraddiisa, Maliyadda, Arrimaha Debeda iyo Guddida Qandaraaska Qaranku oo muddo sided billood ah gacanta ku haya maamulka haamuhu isku waafaqeen Maamul ahaan in lagu wareejiyo Shirkad Madaxbannaan, sidaas daraadeedna ay Bisha March ee berri kowsanaysa bilaabayaan tartankii.

 “22 May 2011-ka waxa soo baxday wareegto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), haamihii shidaalka uu ku hoos keenay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha iyo dalxiiska oo laga wareejinay oo lagu baabiinayey heshiisii hore ee u dhexeeyey dawladda iyo shirkadii Total, sababuhuna ay ahayeen sababo halkooda ka yimi oo wax xumaan iyo wax dhaliila oo aynu ku lahayn aanay jirin. Isla xilligaa madaxweynuhu wuxuu magacaabay guddi ka kooban afar hay’adood oo dawlada ah oo ay wasaaradda ganacsigu ay madax u tahay oo ka kooban wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Dalxiiska iyo Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda qandaraasyadda Qaranka.”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga Cabdiisaaq Khaliif Axmed oo maanta u warramay Telefiishanka Horn Cable.

Wasiirku waxa uu sheegay inay muddo dheer wadeen tallo-bixin iyo qiimayn ku saabsan Haamaha shiidaalka, “Guddigaasi waxay muddo waddeen qiimayn iyo tallo-bixin ay ku soo tallo-bixinayaan, xaaladda jirta darteed sidii wax looga qaban lahaa. Iyadda oo arrinta laga duulayo waxa uu madaxweynuhu helay tallo-bixin ay u soo jeediyeen guddiga dajinaysay miisaniyadda dalka oo iyadana siyaasadii guud ee ay ka lahayeen dhinicii dhaqaalaha oo ahayd meelihii ay ka tallo-bixinayeen,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga iyo warshaduhu.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Tallo-bixin ay soo jeediyeen waxa lagu soo saaray siyaasaddii guud ee dawladda ee dhaqaalaha ee sannadkan in haamihii shidaalka ee Berbera in dawladdu maamul ahaan wixii laga qabanayo ay ku wareejiso hay’ad madax-banaan ama ha noqoto mid wadaniya ama ha noqoto mid ajinabiya oo la galayo qandaraas lagu bixiyo arrinta iyada ah.”

“Anaga arrintaasi ka wasaaradd ahaan iyo guddi ahaanba way naga soo dhammaatay qiimaynteedii tallo-bixineedii iyo arrintii qandaraasku intiiba way naga soo dhamaatay oo waxaanu rejaynaynaa si loo gaadho March haddii ILAAHAY idmo bisha inagu soo fooda leh oo beri bilaabmaysaa in hawsha iyada ahi ay bilaabi doonto, ayna suuro-gal tahay oo tartan baa la qabanayaa oo waxa looga baahan yahay heshiiska cidii buuxisa oo haddii ay noqdaan shirkadaheena maxaliga ah oo ciddii ku filan oo hawshan awoodeeda iska leh ay ku filaato oo ay noqoto cidda iyadu xaqa u yeelata,” ayuu yidhi Wasiirku.

Berberanews.com

Hargeysa, Somliland

Email,info@berberanews.com