Hal qof oo u geeriyoodey hawlgal Dawladda Hoose ee Hargeysa ku banaysay wadada faras-magaalaha Caasimadda.

 

Hargeysa-(Berberanews)- Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Aadan oo da’diisa lagu qiyaasay 40 jir waxa uu galabta ugu geeriyoodey Cisbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa dhaawac ka soo gaadhay rasaas ciidanka boolisku saaka ooda kaga qaadeen ganacsatada yar yar ee hareeraha laamiga faras-magaalada caasimadda Hargeysa.

Marxuumka iyo laba qof oo kale, waxay ku dhaawacmeen iska hor imaad dhexmaray ciidanka booliska oo saaka ku soo jarmaaday goobaha ganacsatadan yar yar, ka dibna gacan-ka-hadal dhexmaray kooxo dhallinyato u badan oo ka mid ah ganacsatada meheradaha ku haystay dhinacyada laamiga, taasoo sababtay in ciidanka boolisku rasaas u adeegsado dadka shacabka ah oo ka gaddooday tallaabada lagu burburiyay ganacsigooda, kuwaasoo taayiro ku gubay badhtamaha laamiga.

 

Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa hawlgal ay hoggaaminayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo Duqa caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, waxa ka qeyb qaatay shaqaalaha dawladda Hoose ee Hargeysa iyo ciidanka birmadka ee Booliska ku dumiyay jiingado, waayo iyo meherado yar yar oo ku teedsanaa badhtamaha laamiga caasimadda, laga soo bilaabo Dawladda Hoose ee Hargeysa illaa Saldhiga Dhexe.

Maayarka Hargesa oo faahfaafin ka bixiyay ujeedada hawlgalkan, ayaa sheegay inuu yahay hawlgal lagu qurxinayo bilicda magaalada, isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi,  “Dalkeenii imika waxa la doonayaa in caasimada ay u ekaato magaallo madax oo ictiraafkii ayaa inagu soo dhow. Marka ma doonayno in billic xumadda iyo dadkan is-dhexyaala oo waddooyinka la baneeyo oo dadka xuquuqda lihii waa dadka dhismayaasha leh oo cid hordagi karta laba rabo.”Sidaa ayuu yidhi Maayarka caasimada hargeysa oo ka hadlayey dawladda hoose ee hargeysa oo biloowday hawlgalo ay ku bananaysay jidadka caasimada.”

Maayarka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Bakhaaro wada banaanbaa jira oo cidii kiraysan kartaa ha kiraysato intii kalena waxaanu ugu talo-galay meelo magaalada dabadeeda ah. Ilaa saddex iyo toban sariibadood oo cusub ayaanu samaynay oo dadka danyarta ahi magaalada dibada hawga baxaan.”

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email,info@berberanews.com