Xisbiga KULMIYE oo taageeray Hawlglka Ciidanka Qaranku ku gaadheen Buuhoodle

Hargeysa-(Berberanews)- Hoggaanka Xisbil-xaakimka KULMIYE, ayaa sheegay inay Dawladda Somaliland ku jirto Maamul fidin oo ay gadhay magaalada Buudoodle, isla markaana ay wajib tahay inay xuduuddeeda kacanta ku dhigto, ka dib markii ay shalay Ciidammada Qaranku xoog kaga saareen magaalada Buuhoodle Malleeshiyo hubaysan oo gacanta ku hayey.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Masuliyiin ka tirsan xisbiga kulmiye oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Xisbiga ee magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay dagaalka ka socda Buudoodle. “Buhoodle waxaanu ka ognahay inay tagtay Xukuumadda Somaliland iyaga oo fulinaya Maamul fidintii muddada badan ku hawlanaa in meelo badan oo Somaliland ah ay gacanta ku soo dhigaan. Markaa, waxaan ogahay markii ay saaka (shalay) tageen halkaas inay kula dagallameen Ciidammada iyo Maleeshiyaadka u adeegaya shirka Taleex.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE Muse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi waxa uu sheegay inay si buuxda u tageerayaan maw-qifka uu Madaxweynaha Somaliland iska tagay shirkii Taleex iyo sugidda Xuduudaha Somaliland, waxanu yidhi; “Mar haddii Xukuumadda Somaliland noo if-tiimisay in midnimada Qaranka iyo wada-jirkiisa iyo amnigu ay yihiin Mudnaanta  koowaad oo aan ninna looga habraneyn oo aan loogu dulqadaneyn. Markaa, Kulmiye ahaan Madaxda xisbiga, tageerayasha xisbiga iyo Ummadda Qaranka Somaliland ee doonaya amnigooda in la sugo waxaannu qabnaa inay ka midaysan yihiin maw-qafkaas.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.