UDHIS iyo XAQ-SOOR oo Xukuumadda Siilaanyo ugu baaqay inay ka waantawdo Cabbudhinta Saxaafadda iyo haliska Shirka Taleex

Hargeysa-(Berberanews)- Urur-siyaasadeedyada UDHIS iyo XAQSOOR, ayaa War-Saxaafadeed ay maanta soo saareen baaq laba geesood ah ugu soo jeediyey Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxame Maxamuud (Siilaanyo), isla markaana ka digay khatarta ka iman karta cabbudhinta madax-bannaanida Saxaafadda xorta ah iyo Shirka Taleex.

War-Saxaafadeedkaas oo ay si wada-jir ah ugu saxeexnaa Guddoomiyayaasha ku-meel-gaadhka ah ee Ururrada XAQ-SOOR iyo UDHIS, Muj.Ibraahin Cabdillaahi Xuseen  iyo Md: Axmad-nuur Aw Cabdi Shaacir. Qoraalka War-Saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:- “Ururada UDHIS iyo XAQSOOR waxay ku guubaabinayaan maamuka maanta jira ee S/L.

1.    Ugu horayn waxan ugu baqayna walaalahayaga ku shiraaya Taleex, in nabada iyo wada jirku ka macaantay colaada iyo dagaalka sidaa darted waxan ugu baqayna in ay Somaliland kula xajodaan hab nabad galyo ah.

2.    inay ugu tala galaan qorshe cad oo ku dhisan siinaan iyo cadaalad beelaha bariga ee isugu tegay taleex.

3.    waa inay la xidhiidhaan odayada iyo wax-garadka beelahaas ee nabada jecel ugunna baaqaan inay la xoojiyaan heshiiskii loo dhamaa iyo isasaamixii S/L, ku nabada iyo caano maashay ee Burco, 18may 1991.Heshiiskaasi waa kii si wadajira oo loo dhanyay loogu soo celiyay madaxbanaanida S/L.

4.    inay ka noqdaan xidhida ay manta xidheen wariyayaasha iyo TV-ga (Horn Cable TV). Xidhidaas iyo xadhigaasi waxay jebinayaan Distoorka iyo shuruucda dalka waxaanay ka baxsanyihiin nidaamka xoriyada iyo dimuqaraadiyada.sharciga laguma xalio arimaha siyaasada iyo saxaafada, markasta oo saxaafadu qaldanto, waa ku qasab inay qaladkooda saxaan sixitaankaas ay cida lagu qaldamay xaqa u leedahay ayaa dawada ah.

5.    inay si buuxda oo hagar la,aan ah u dhiiriyaan maalgashiga dalka hadii ay doonayaan in shaqo abuur dalka ka hirgalo. Halka madax badan oo reer S/L, ahi ay guryahooda, reerahoodii iyo ubadkoodiiba dibada u rareen, raga aaminay dalkan ee warshado iyo guryaba ka dhisay ee maalkii ay dibada ka xoogsandeen wadankoodii hooyo ugu soo gurmaday. Wakhtigan adage e dalku ku jiro waxay xaq u leeyihiin maamuuska iyo dhiirigelinta koobaada ee dawlada oo dhan, xukuumadan yey taasina seegin.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.