Diyaaradaha dawladda Kenya oo duqaymo ka geystay deegaanno ka tirsan Af-madaw

Af-madaw-(Berberanews)- Dawladda Kenya ayaa Diyaarado nooca dagaalka ah ku weeraray, isla markaana duqaymo ka geystay duleedka deegaanka Af-madow, in kasta oo la sheegay inaanay wax khasaare ah soo gaadhsiinnin dadka deegaankaas.

Diyaaradaha ayaa la sheegay in ay dhowr gantaal ku rideen duleedka koonfureed ee magaalada Afmadow, ilaa iyo imikana ma cada goobaha ay bartilmaameedsadeen diyaaradaha iyo qasaarah ka dhashay intaba.

Qaar katirsan dad ku dhaqan magaalada Afmadow oo aan xiriiro kala duwan la sameynay ayay inoo sheegeen in ay maqleen daryanka gantaallo ay tuureysay diyaarado noocooda lagu sheegay Helicopters ilaa iyo imikana ma cada cid wax ku noqotay duqeyntaasi.

Weli cid ka tirsan dawladda Kenya iyo Malleeshiyada Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas. Diyaaradaha Kenya ayaa mudooyinkii u dnabeeyay duqeymo isdaba joog ah ka geysanayay deegaano katirsan gobollada Jubooyinka iyo Gedo, iyadoona ay xusid mudantahay in inta badan duqeymaha ay geystaan diyaaradaha Kenya ay ku waxyeeloobaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.