Tifaftiraha guud ee Shabakadda Berberanews oo ka mid ah 22 Weriye oo maanta Hargeysa lagu xidhay

Hargeysa-(Berberanews)-Tifaftiraha guud ee Shabakadda wararka Internet-ka ee Berberanews Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago), ayaa ka mid ah 22 Suxufi oo ay Xukuumadda Somaliland maanta gelinkii hore Xabsiga u taxaabtay.

Tifaftiraha Berberanews Maxamed-Xarrago oo ka tirsan Guddiga fulinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayay Ciidammada Ammaanka Somaliland saaka xidheen isaga oo ka mid ahaa Suxufiyiin bannaan-bax cabasho ah oo ay kaga soo horjeedeen cabbudhinta Saxaafadda madaxa-bannaan iyo xayiraadda Telefeshinka madaxa-bannaan ee Horn Cable TV xarumihiisii Hargeysa ee Suuq-geynta iyo Baahinta oo ay Ciidammada Boolisku xalay albaabbada u laabeen, ka dib markii ay xoog ku galeen iyaga oo aa wax waaran ah iyo wax sharci ah oo lagu amrayo xadhigga Xafiisyadaa, kuwaasoo ay Qufullo ay siteen ku xidheen inta ay dibedda uga soo saareen guud ahaanba shaqaalihii Xafiisyada ku jiray.

22-ka Suxufi oo ka hawlgalayey Hay’adaha Warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka sida TV-yada, Wargeysyada iyo Website-yada, ayaa boodhadh ay ku dalbanayeen in Xafiisyada TV-ga laga qaado xayiraadda la saaray la hortagay xarunta Madaxtooyada, hase ahaatee, waxa ku dhacay wax aanay filanaynin, ka dib markii ay Boolisku intay garaaceen, Xabsigana ka buuxiyeen.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.