Dawladda Somaliland oo faahfaahisay qaabka uu u dhacay iyo khasaaraha ka dhashay dagaal Ciidanka Qaranku Buuhoodle kaga saaray Malleeshiyaad ku sugnaa

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) ayaa sheegay inay saaka Ciidamadda Qaranku la wareegeen gacan ku haynta magaalada Buuhoodle.

Wasiir Xaabsade oo galabta Shir Jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee Caasimadda Hargeysa, waxa uu sheegay inay ciidanka qaranku ay baacsadeen maleeshiyo hubaysan oo hore ugu sugnaa magaaladda Buuhoodle, waxaanu tilmaamay inay kooxdaasi ka baxday magaalada kuna baxsadeen dhawr Baabuur oo nooca Tiknikada ah.

Md. Axmed Xaabsade waxa uu sheegay inay Ciidanka Qaranku ay ilaalinayaan ammaanka shacbigooda isla markaana aanay gudaha u gelin suuqa magaaladda Buuhoodle.

Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada qaranka aanay weerarka qaadin hase yeeshee iyaga la soo weeraray hoobiyeyaal, ka dibna dagaalku sidaasi ku bilaabmay

“Xalayto ayay maleeshiyada Buuhoodle joogay soo weerareen ciidamada qaranka ee ku sugnaa jiida Qori-lugud, ka bacdi saaka ayay ciidamada qaranku saaka ayay ku waabariisteen Buuhoodle malaadiina way qabsadeen kooxdii joogtayna way ka baxsadeen,”ayuu yidhi Wasiirka warfaafintu.

Dhinaca kale, Wasiirka warfaafinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in hawlgalka ciidamadda qaranku ay qabsadeen magaalada Buuhoodle aanay jirin cid ka dhimatay hase yeeshee uu dhaawac fududi soo gaadhay afar Askari.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.