Guddiga Caddaalada Somaliland oo lagu eedeeyay Sharci-jabin iyo qodobbada la tilmaamay

Hargeysa-(Berberanews)- Xubno ka tirsan Garsoorayaal 22 December 2011 Guddiga Caddaalada Somaliland ee heer Qaran ay shaqada ka eryeen, ayaa lagu sheegay inaanay Guddigu erigooda u marin sifo sharciga dalka u yaalla waafaqsan, hase ahaatee, ay sameeyeen Sharci-jebin.

Guddiga Caddaaladda ayaa 22 Bishii hore ee sannadkii tagay, waxay isku shaandhayn iyo shaqo ka eri ku sameeyeen qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha gobollada iyo Garsooreyaal. go’aankaas oo ay cabasho ka muujiyeen qaar ka mid ah Garsoorayaasha shaqada laga eryey oo qaar ku cawday in ammaankoodu halis ku jiro.

Sidaa waxa lagu sheegay qoraal ay ay caawa soo saareen xubno ka tirsan Garsoorayaasha la eryey, waxaanu qoraalkaas oo dhammaystirani u dhignaa sidan: “Marka hore, waxaanu ka hadlaynaa Caddaalad-darrada guddiga Caddaaladu nagu sameeyay;

1-Go’aanka lanagu eryay waa mid aan waafaqsanayn Xeerka Nidaamka Garsoorka (XNG) iyo Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa la jabiyay qodobada 26aad, 40aad, 41aad, 43aad, 44aad, 45aad ee X.N.G. 2-Qodobka 26aad waxa ka hadlayaa sababaha shaqada lagaga qaadi karo garsooraha. 3-Qodobka 40aad waxa uu ka hadlayaa sababaha haddii garsooruhu ku kaco shaqada lagaga qaadi karo, xarfihiisa A,B,C ee X.N.G. 4-Qodobka 41aad waxa uu ka hadlayaa in marka guddidu go’aansadaan anshax-marin Xeer-ilaaliyuhu ka hor oogo guddiga dacwo hortooda.

5-Qodobka 43aad waxa uu ka hadlayaa marka loo fadhiisto dacwada waa in la gaadhsiiyaa garsooraha si uu isaga difaaco. 6-Qodobka 44aad ee xeerku waxa uu ka hadlayaa goaanka guddidu sababaysan yahay, kuna cad yahay waxa loo cuskaday. 7-Qodobka 45aad ee xeerku waxa uu ka hadlayaa qaabka anshax-marinta xubnihiisa; a)  Canaan afka ama qoraal, b)  In meel kale loo bedelo marka loo arko inay culays ku tahay, c)  Guno ka jaris aan ka badnayn 6 bilood, d)  Derajo hoos-u-dhigid, e) Shaqo ka joojin aan ka badnayn 6 bilood, f)  Shaqo ka saaris dhamaanba.

Shuruudaha ay dhigayaan qodobadani lama raacin, erigayaguna ma sababaysna mana jirto wax loo cuskaday eriga garsooreyaasha. Guddida Caddaaladu ma dabaqin qodobada aynu kor ku soo sheegnay dhamaantood, lamana raacin. Haddii aan sharciga la raacin waxa la sameeyay waxay noqonaysaa caddaalad-daro, mar haddii sharciga la jebiyona lama kabi karo.

Marka laga hadlo hadalka siyaasadeed ee Madaxweynaha JSL, muu ahayn in caddaalada lagu toosiyo caddaalad-daro ama loogu maro caddaalad-daro. Haddii aan maanta caddaalad-daradan nagu dhacday Madaxweynuhu wax ka qaban, waxay noqonaysaa mid la caadaysto oo lagu fuliyo ciddii la doono, waxayna saamayn ku yeelanaysaa kuwa hadda shaqaynaya. Waxay raad xun ku reebaysaa dhamaan garsoorka, waxay noqonaysaa in aan la aaminin garsoorka. Marka xeerka la jabiyo waxa uu dhib wayn u geysanayaa dhamaan umadda reer Somaliland. Waxaanu leenahay guddida Caddaaladu haddii ay dambi noo hayaan ha nasoo bandhigaan.

Haddiii aan xeerarka la tixgelin ee laga talaabsado, waxay tilmaan cad u tahay dawlad la’aan, haddii xeerarka la ilaalin waayana ma jirayaan Madaxweynaha, Madaxweyne kuxigeenka, golaha Wasiiradu, Baarlamaanka (golaha Wakiilada iyo golaha Guurtida) iyo dhamaan hayaddaha madaxabanaan ee sharciga, waxay ku dhisan yihiin waa sharci.

Shareecada Islaamku waxay tilmaantay sida loo ilaaliyay qofka muslimka ah waxa ka mid ah; -In aan la dlin naftiisa sabab la’aan, -In aan caqligiisa wax loo dhimin, -In aan maalkiisa la dhicin, -In aan lagu xadgudbin Diintiisa, -In aan qofka sharaftiisa wax loo dhimin. Waxaanu u aragnay in sharaftii garsooreyaasha meel lagaga dhacay.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.