Somaliland iyo Puntland oo midkood Buur dheer dul-taagan yahay midkoodna u muuqdo inuu ka gudbayo

Goroowe+Hargeysa-(Berberanews)- Maamuullada Somaliland iyo Puntland oo sannadihii sagaashamaadkii lagu kala dhawaaqay inay yihiin maamullo dawli ah oo ka madax-bannaan Soomaaliya, inkasta oo ay Puntland qaadatay maamulka faderalka oo ay weli Soomaaliya ka sii mid tahay, haddana waa is-maamul hawlihiisa u madax-bannaan.

Halka ay Somaliland 1991-kii kaga dhawaaqday inay tahay maamul dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya dib ugala soo noqday madax-bannaanidiisa, ka dib markii ay 1960-kii xornimada ka qaadatay Ingiriiska oo ay la midawday Soomaalidii Talyaanigu gumaysan jiray. Hase-yeeshee, inkasta oo ay Somaliland 20-ka sano ee ay jirtay ku tallaabsatay horumarro dhinacyo badan ah oo la taaban karo, sida nabadgelyada, dimuquraaddiyadda, dhismahaha golayaasha dawladeed oo doorasho ku yimi, Ganacsiga Xorta ah, Dastoor iyo Lacag u gaar ah, Hannaanka Xisbiyada badan, Xidhiidhka caalamiga ah iyo arrimo kale, haddana, waxa maanta soo waajahay caqabado kala duwan oo u muuqaal ahaan u eekaan kara mustaqbalka haddaan wax laga qaban kuwa Soomaaliya ka taagan, gaar ahaan dhinaca maamullada badan ee dalkaas lagaga dhawaaqo sannadahan u dambeeyey.

Ka dib markii ay 2011 iyo 2012 ay curteen ku dhawaaqista Maamul-goboleedyo ka madax-bannaan Somaliland, waloow aanay weli hana-qaadin, haddana waa arrimo dhibaatadooda leh oo horseedi kara inay kowo kalena soo baxaan, haddaanay dawladdu tallaabadan ka qaadin, isla markaana qorshe cadad ka yeelan arrimahaas, sida uu qeexayo Dastoorka Jamhuurriyadda Somaliland oo dhigaya inay muqaddas tahay midnimada dal ahaaneed iyo dad ahaaneed ee Somaliland. Maamulladaas la doonayo in Somaliland laga falliidho waxa ka mid ah Maamulka Awdal State oo ay koox qurbo-joogga reer Awdal ka mid ahi dalka dibeddiisa kaga dhawaaqeen, hase ahaatee, aan wax gudaha ka shaqeeya ahayn. Halka maamulka labaadna dabayaaqadii toddobaadkii hore lagaga dhawaaqay Shir Beesha Dhulbahante uga socda degmada Taleex ee gobolka Sool, hase ahaatee, aan weli magiciisa la shaacin,balse la sheegay in gebagabada shirka lagu dhawaaqi doono.

Geesta kale, Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo 1996-kii lagu dhawaaqay inuu yahay ismaamul gaar ah, hase ahaatee Soomaaliya ka tirsan, ayaa inkasta oo aanay nabadgelyo ta Somaliland u dhigantaa weli ka hana-qaadin, haddana ah meesha labaad ee dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray nabad iyo maamul dawladeed ka jiro, marka laga reebo Somaliland.

Maamul-goboleedka Puntland, oo isagu si buuxda wax ula qaybsada maamul kasta oo Soomaaliya loo soo dhiso, ayaa hadda u muuqda mid horumar ku sii tallaabsanaya sannadba sannadka ka dambeeya dhinaca wax soo saarka. Waxaan toddobaadkan daboolka ka qaaday Madaxweynaha maamulkaasi inay Ceelkii Shidaal ee ugu horreeyey ee laga qodo dalka Soomaaliya abid laga bilaabay dhulka Puntland. “Muddo ka badan 40-sano waxa la sheegi jiray in Soomaaliya uu shidaal ku jiro, inkastoo muddo la isku mashquuliyay haddana Puntland waxay billowday inay dedaal u gasho sidii lagu soo saari lahaa khayraadka dabiiciga ah.” ayuu yidhi MadaxweyneFaroole.

Sidoo kale, Faroole wuxuu sheegay in khilaaf badan uu ka dhashay howshan, isla markaana uu isagu xalliyay dibna ay u galeen heshiis cusub, kaasoo hadda gaadhay heer la billaabo in Ceelka shidaal ee ugu horreeyay laga qado Soomaaliya. Waxaanu yidhi; “Marka howshan lagu guuleysto, waxaan doonaynaa inaan ka billowno howlo kale gobolka Nugaal.” Waxaanu Faroole sheegay in dhaqalaha kasoo baxa shidaalkan lagu fulin doono howlo badan oo hore ay dhaqaale ugu waayeen.  Cabdiraxmaan Faroole waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu shalay siiyey Idaacadda BBC-da.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in maamulkoodu uu dad badan u qabtay falal ammaan-darro oo ka dhacay Boosaaso, waxaanu eedda inteeda badan dusha ka saaray dadka reer Koonfureedka ah. Mar la weydiiyay in dadka u dhashay Puntland ay mas’uul ka yihiin falal ammaanka wax u dhimaya ayuu sheegay inay taasi jirto balse looga badan yahay, wuxuuna difaacay in maamulkiisa uu celinayo dadka ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata in Somaliland uu soo gaadhay, isla markaana baro dhaafinayo maamul-goboleedka Puntland, haddii ay xaaladaha Somaliland ka jira ee iyada gudaheeda la isku mashquuliyey aan xal wax lagaga qabto loo helin. Inkasta oo aan Somaliland iyo Puntland midkoodna dunida ka haysan aqoonsi buuxa, haddana waxay dawlado badan oo dunida ahi ula macaamilaan si toos ah iyo si dadban labadaba.

Berbeanews.com

Hargeysa/Somaliland.

E-mail.info@berberanews.com