Al-Shabaab oo Lacago khasab ah ku soo rogtay Qoys kasta oo Ilmo ugu dhasho deegaannada ay ka taliyaan

Muqisho-(Berberanews)- Malleeshiyada nabad-diidka ah ee Al-Shabaab ee ka dagaallada Koonfurta dalka Soomaaliya, ayaa dadka ku nool degaannada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ku soo rogay Lacago aan noocooda oo kale weligood hore looga qaadin, isla markaana layaab iyo amakaag ku noqday bulshada ku dhaqan dhulka ay kooxdaasi ka taliso.

Al-Shabaab waxay dadka Shabeellooyinka Dhexe iyo Hoose ee Koonfurta Soomaaliya ku soo rogtay inay bixiyaan lacago laga qaadayo qoys kasta oo Ilmo u dhasho oo ku dhaqan deegaannadaas oo k mid ah kuwa ay sida weyn uga taliyaan Al-shabaab ee Soomaaliya.

Amarkan oo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa haddana si tartiib ah ku dhaqangalay, waxaana si weyn u hadal haya dadka ku nool deegaannadaasi. “Haddii wiil uu kuu dhasho waxaad tageysaa saldhigga kuugu dhaw, waxaanad bixineysaa $100 Doollar oo lacagta Maraykanka ah, hadday Gabadhi kuu dhalatana $50 ka dibna waxa lagu soo siinayaa warqad.” Sidaa waxa tidhi Gabadh ka gaabsatay in magaceeda la shaaciyo sababa ammaankeeda la xidhiidha awgood oo ka hadashay qar ka mid ah Saxaafadda oo ay u sheegtay inay dhinaca Muqdisho u soo carartay.

Haweenaydan magaceeda ka gaabsatay ayaa  sheegtay in iyada lafteeda sababta ay hadda Muqdisho u timi ay tahay ka dib markii uu u dhashay Wiil, isla markaana ay awoodi wayday in ay bixiso lacagta laga rabo, sidaasi darteedna ay danta ku kalliftay inay isaga soo baxsato deegaankii ay ku noolayd. “Haddii aad bixin waydo lacagta waxay kuu diidayaan inaad Wanqalka u samaysato ilmahaaga.” ayay haweenaydaasi sii raacisay hadalkeeda.

Arrintan oo ah mid dadka ku cusub ayaa ku soo beegantay xilli dhowaan Al-Shabaab ay dadka ku nool meelaha ay maamulaan ay ku soo roggeen inay lacagaha Zakada ee sannadkasta dadka maal-qabeennada ahi bixiyaan la siiyo Al-Shabaab iyagoo sheegay in ay u adeegsanayaan dagaallada ay kula jiraan DKMG Soomaaliya, Ciidanka Amisom iyo Kenya.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.