Dabley Hubaysan oo Laascaanood ku toogtay Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Sool

Laascaanood-(Berberanews)-Dablay hubaysan oo aan la aqoonsan, ayaa xalay fiidkii ku toogtay magaaladda Laascaanood Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Sool Ibraahin Axmed Shire iyo nin kale oo ganacsade ah oo ay wada socdeen.

Wararka aanu ka helay dilka Guddoomiyaha maxkamadda iyo ninka ganacsadaha ah, ayaa sheegay in kooxda dabkeyda ahi tacshiirad ooda kaga qaadeen Gudoomiyaha iyo ninka la socday, iyagoo kasoo baxay Masjid ku yaal Koonfurta magaalada oo ay ku tukadeen salaadii maqrib, Kuwaasoo labadaba dhaawacooda loosoo qaaday cusbitaalka Burco, halkaasoo uu dhaawaciisa oo hallis aha awgeed u geeriyoodey Guddoomiyihii maxkamadda Sool.

Kooxdan falkan waxshinimmada ah geysatay, ayaa baxsaday, balse Ciidanka amaanka oo mar danbe goobta tegey bilaabeen baadhitaano lagu raadinayo dadkii geystay falkaa.

Tan iyo sanadkii 2008 waxa si isdaba jooga masuuliyiinta maamulka gobolka lala beegsanayay qaraxyo iyo dilal toogasho ah oo masuulliyiin badan lagu laayay, haseyeeshee ma jirto cid si toosa falkaas loogu soo qabtay.