UDUB oo xika ka qaaday masuul Gobolka Gabiley u qaabilsanaa iyo Calaamatu-su’aalka saaran mustaqbalka xisbiyadda Mucaaridka Doorashooyinka deegaanka ee soo socda

Hargeysa-(Berberanews)- Xisbiga UDUB, ayaa xilkii ka qaaday Xoghayihii Gobolka Gabiley Aden Maxamed Xaaji Aden, ka dib markii uu ku kacay an-shax-xummo sida lagu sheegay war-saxafaadeed uu ku saxeexanyahay Ku-simaha Xoghayaha Guud  Cabdixalim Maxamed Muusa oo maanta naga soo gaadhay.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan; “Laga bilaabo taariikhda kor ku xusan waxa xilkii uu ka hayey Xisbiga laga qaaday  Aden Maxamed Xaaji Aden (Xoghayihii Gobolka Gabiley) kaas oo ku kacay fal anshax darro ah, ka dib markii loo soo adeegsaday Masuuliyiin Sare oo Xisbiga Xilal Qaran ka hayay oo uu si cad jaraa’iidka ugu aflagaadeeyey, waxaana xil ka qaadista u wehelin doona in loo gudbin doono Guddiga Shuruucda iyo Anshaxa si ay tallaabo ku aadan arrintaa fool-xumada ah ee uu ku kacay wajibkooda uga gutaan.”

 

Tan iyo intii ka danbaysay doorashadii madaxtooyadda Somaliland ee 26kii June 2010 uu tallada dalka kaga guulaystay xisiga KULMIYE ee haatan muxaafidka noqday xisbiga UDUB ee mudada dheer hoggaanka dalka soo hayay, islamarkaana Goleyaasha qaranku isku raaceen in dib loo furo ururada siyaasadeed waxa soo if-baxay masuulliyiin xilal waaweyn ka hayay xisbiga UDUB oo dhalliilo joogto ah u soo jeediyay xisbigooda, kuwaasoo uu ugu danbeeyay Af-hayeenka UDUB Mujaahid Cali-guray oo sheegay inaanu xisbigoodu lahayn hab-dhimeed iyo gole dhexe toona.

Dhanka kalena, xisbiga mucaaridada ku lamaaneeya UDUB ee UCID, ayaa waxa muddooyinkii u danbeeyay dhexmiranayay khilaaf ka dhashay hoggaanka xisbiga oo u kala jabay laba garab, kaasoo sababay in aakhirkii maxkamadda sare u xukuntay garabka uu hoggaaminayay Faysal- Cali-waraabe, iyadoo garabkii kalena ku dhawaaqeen inay ka baxeen xisbiga oo ay urur-siyaasadeed cusub furan doonaan.

Marka la eego kala daadsanaanta iyo tamar-darada xisbiyada mucaaridka Somaliland iyo diyaar-garowga hamiga siyaasiyiin badani hanqalka ugu taagayaan inay ururo cusub ku dhawaaqaan, kaasoo urur-siyaasadeedkii u horeeyay ee cusub oo la baxay Dalsan uu todobaadkan kaga dhawaaqay Hargeysa Ismaaciil Aadan Cismaan oo ahaa wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Somaliland xiligii maamulkii Madaxweyne .

Su’aasha taagani waxay tahay mustaqbalka xisbiyada mucaaridku halka uu ku danbayn doono, maadaama loo diyaar-garoobayo doorashadii goleyaasha deegaanka oo ay ka soo dhex bixi doonaan sadexda urur-siyaasadeed ayaa waxa laysweydiinayaa awood ma u yeelan doonaan inay iska caabiyaan ururada siyaasadda ee la filayo in dhawaan ooda laga qaado, mise waxay noqon doonaan qaar waaya xisbinimadooda?

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com