Marwo Caasha Xuseen Maraykan oo Hore isaga cashishay Guddoomiyihii Haweenka UCID ee Qaaradda Yurub oo ku dhawaaqday inay gebi ahaanba ka baxday xisbigaas

London -(Berberanews)- Marwo Caasha Xuseen Maraykan oo hore u hayd Gudoomiyihii Garabka Haweenka Xisbiga UCID ee Qaarada Yurub. Ka hor intii aanay xilkaa iska casilin 20 Jan 2011, ayaa  sheegtay inay gebi ahaanba ka baxday xubinnimadii xisbigaa laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 13 Sep 2011.
 
 Marwo Caasha Xuseen Maraykan ayaa waxay sidaa ku sheegtay qoraal ay ka soo saarta magaalada London oo ay saxaafada ugu talo gashay, kaas oo u qornaa sidan:-“Anigoo ah Caasha Xuseen Maraykan, isla markaana hore isaga casilay xilkii aan ka hayay xisbiga daryeelka,  cadaaladda Iyo Horumarka Somliland ee UCID oo ahaa Gudoomiyihii Garabka Haweenka ee Qaarada Yurub, waxaan halkan ku shaacinayaa inaan gebi ahaanba ka baxay xisbigaa oo aan xubinnimadii aan kaga tirsanaa go’aansaday inaan ka baxo laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 13 Sep, 2011.

Sidaa awgeed waxaan la socod siinayaa dhamaan saaxiibadayda aanu siyaasada kusoo wada jirnay, kuwii I taageerayay iyo kuwii ila talinayayba inaan wixii maanta ka danbeeya xubin ka ahayn xisbigaa oo aan hore xilkii aan ka hayay isaga casilay.   Anigoo  aan hada diyaar u ahayn inaan sharaxaad ka bixiyo asbaabaha kalifay inaan ka baxo gebi ahaanba xisbigaa aan mudada dheer kusoo jiray, balse  go’aanka mustaqbalkayga siyaasadeed iyo halka aan u jihayn doono dib kazoo sheegi doona.” Ayaa lagu yidhi Qoraalka ay soo saartay Marwo Caasha Xuseen Maraykan.
 
Haweenaydan oo ahayd xubnaha ugu firfircoon dhinaca qurbaha, gaar ahaan qaarada Yurub,  ka hor intii aanay iska casilin 20 Jan 2011, xilkii ay ka haysay xisbiga oo ahaa Gudoomiyihii Garabka Haweenka Xisbiga UCID ee Qaarada Yurub, kuma ay sheegin qoraalkeeda sababha keenay inay gebi ahaanba ka baxdo xubinimadii xisbigaa, balse waxa la rumaysan yahay inay go,aankaa qaadatay. Kadib markii muran iyo khilaaf weyni soo dhexgalay hogaanka sare ee Xisbiga UCID, taas oo keentay
inay laba garab oo hogaankiisu u kala jabay dacwad fooda isla galaan Hay’addaha garsoorka, isla markaana go’aankii dacwadaasi noqday inuu hogaanka xisbiga sii wado Gudoomiyihii hore Faysal Cali waraabe, iyadoo garabkii kalena sheegeen inay furanayaan xisbi kale oo aanay weli shaacin, balse aanay dib ugu laabanayn inay kasii mid ahaadaan xisbiga UCID.
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com