Jilaagii Filimada “Spider-Man” Oo Geeriyooday

Los-Angeles, (Berberanews.com/Peoplenews):- Magaalada Los Angeles ee dalka Maraykanka waxa ku geeriyooday jilaagii reer Maraykan ee Cliff Robertson, oo si wayn ugu caan baxay dunidana loogu bartay metalaadiisi aflaamta khiyaaliga u badnaa ee lagu magacaabi jiray, Ninkii Caarada, ama sida afka qalaad loogu yaqaano “Spider-Man” Filimadan oo dunida si wayn uga dhacay aadna loo daawaday aduunka oo dhan.
 
Mr. Robertson, ayaa markii uu dhintay da’diisu ahayd 88-jir waxaana sida la sheegay uu hore ugu guulaystay abaal-marinta ugu saraysa ee lagu maamuuso jilayaasha, filim soo saarayaasha iyo dadka wax alifa, kuwooda ugu wanaagsan ee lagu magacaabo “Oscar-ka.” Sida lagu baahiyay shabakada arrimaha aflaamta iyo dadka aktarada ah ka faaloota ee “People” geerida odaygan waxa shaaciyay xoghayntiisi gaarka ahayd, waxaanu sheegay in uu si dabiiciya u dhintay oo aanay jirin wax shil ah oo sababay dhimashadiisa.

Jilaagan ayaa la sheegay in noloshiisi fanku ahayd mid guul iyo horumar uu ku dhamaystay, filimada aadka loogu xasuusto waxa ka mid ahaa, filimkii “Charlie” oo uu ku matalayay qof xanuunka dhimirka qaba oo maskaxda ka buka, filimkaas oo ahaa kii abaal-marinta Oscar-ka uu ku mutaystay doorkii uu ka qaatay iyo jilistiisi layaabka lahayd.
 
Dadka sida wayn ula socda aflaamtu waxa kale oo aanay marnaba ilaawayn filimkii uu matalayay shakhsiyada Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka John F. Kennedy ee sanadkii 1963-kii xiligaas oo da’diisu aad u yarayd oo uu ahaa nin dhalinyaro ah, waxa uu filimkaas oo lagu magacaabi jiray “PT 109”, waxaanu qaabkii jilista wanaagsanayd ee filimkaasi gayaysiisay inuu hore uga sii socdo.

Sanadihii u danbeeyay ayuu jilaagani si wayn dunida mar kale isku baray, markii uu matalay filimadiisi uu doorka Ben Parker’s uncle ka qaadanayay ee la magaca baxay “Spider-Man” oo ahaa kuwa silimooyada lagu daawado.
 
Faysal Maxamed Xasan
Berberanews.com Reporter
Daralla066@gmail.com