11 September: Dhacdo Dunidda Gilgishay Malaayiin Qofna Noloshooda Galaafatay Oo Taban Jirsatay

“10-kaa sanadood waxa la qarxiyay caasimaddaha London, Madrid, Hargeysa, Muqdisho, Baqdaad, Islamabad, Istanbul, Riyadh, Sana, Kampala.”
 

New York, (Berberanews.com):- Toban sanadood ka hor 11 September ayaa wakhti subaxnimo hore waxa weeraro loo adeegsaday diyaarado lagu qaaday, magaalooyinka Washington iyo New York, waxaanay aroortaasi u ahayd dadka Maraykanka iyo caalamka intiisa kale maalin qofkii caqli lahaaba xasuusto oo aan ka gu’in xasuustiisa.

Inkastoo bariga afrika iyo Somaliland ay u ahayd casar gaaban, haddana waxay weeraradaasi ka dhaceen magaalooyinka Washington iyo New York, xili subaxnimo hore ah, diyaarado is daba socda ayaa weeraro wakhti koobani u dhexeeyo ku dhacay labadii daarood ee mataanaha ahaa ee xarunta ganacsiga Aduunka (World Trade Center) oo inta aanu shilkaasi dhicin ka hor ahaa daaraha dunidda ugu dheer, hasa yeeshee ku burburay weeraradaas.

Sidoo kale waxa diyaarad kale ay ku dhacday xarunta wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka ee loo yaqaano Pentagon, weeraradani waxay gaysteen khasaare naf iyo maalba leh, waxaana ku dhintay dad tiradooda lagu qiyaaso shan kun oo qof halka dad kale oo tira badanina ku dhaawacmeen.

May ahayn qaabka weeraradan loo fuliyay kuwo dunidu hore u taqaanay oo wax la isaga difaaco iyo hab looga gaashaanto midna loo hayay. Sida sawiradeenan ka muuqata madaxweynihii xiligaas ee dalka Maraykanka George W. Bush ayaa weerarkan loo sheegay xili uu ku sugnaa xaflad loo samaynayay dugsi hoose oo caruurtii dhiganaysay uu la qaadanayay xili farxadeed ay ku jireen.

Haddaba weeraradaasi marka laga tago khasaaraha ay Maraykanka u gaysteen iyo argagaxa dunidu ka qaaday, waxay noqdeen kuwo horseeda dagaalo iyo duulaano lagu qaado dalal kala duwan oo dunida ah, waxa Maraykanku ku duulay dalka Afghanistan oo uu ku sugnaa Osama Binu Laden oo kooxda uu hogaamiyo ee Alqaacido qiratay inay masuul ka ahaayeen weeraradaas.

Waxa kale oo la weeraray dalka Ciraaq oo la riday dawladii ka talinaysay madaxweynihii dalkaasna inta la qabtay ka dib la deldelay, waxa dunida ka dhacay weeraro tira badan, qaraxyada iyo duulaanada diyaaradaha Maraykanka ayaa meel kasta caadi ka noqday, waxa qaraxyo laga fuliyay caasimado badan oo dunida ah, sida London, Madrid, Hargeysa, Muqdisho, Baqdaad, Islamabad, Istanbul, Riyadh, Sana, Kampala iyo tobanaan magaalo oo kale, waxaana utuntii ka kacday qaraxyadaas u dhintay malaayiin qof oo dunida ku nool oo intooda badani muslimiin yihiin.

Faysal Maxamed Xasan

Berberanews.com Reporter

Daralla066@gmail.com