Ururka Somaliland Forum oo Baaq u Diray Garabyada isku Haya Xisbiga UCID

London (Berberanews)- Ururka Somaliland Forum oo ah urur ay ku bahoobeen jaaliyadaha reer Somaliland ee qurbaha, ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin khilaafka soo kala dhexgalay masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee UCID, iyagoo ku baaqay in dhinacyada iska soo horjeeda inay si bilaa shuruud ah isku soo horfadhiistaan oo khilaafkooda xaliyaan.
 
Sidaa waxa Somaliland Forum ku sheegeen baaq ku socda xisbiga UCID oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya soo gaadhay xalay, kaas oo ay ku sheegeen in Somaliland Forum ballanqaadayo sidii uu gacan uga geysan lahaa in la soo afjaro khilaafka UCID.
 
Baaqa ka soo baxay Somaliland Forum oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan:
 
¡§Somaliland Forum waxa uu muujinayaa sida uu uga xun yahay khilaafka dhawaan soo dhexgalay xisbiga qaranka ee UCID, kaas oo ku keenay xisbiga inuu kala qaybsamo laba garab oo is haya, isla markaana uu hadalo deel qaafa uu dhexmaro qaar ka tirsam masuuliyiinta xisbiga UCID.
 
Haddaba, iyada oo ay muhiim tahay in la dhowro qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana la dhowro nidaamka xisbiyada badan ee dalku ku dhisan yahay waxa dantu ku jirtaa in la isu tanaasulo, lana dhammeeyo wixii khilaaf ah ee jira oo dhaawaci kara dimuqraadiyadda dalka ka hanaqaaday labaatankii sannadood ee ugu dambeeyay oo u baahan in aan la curyaamin, balse la sii kobciyo.
 
Somaliland Forum wuxuu cambaaraynayaa baaqa ay dadka qaar ku baaqayaan in arrinkani hor seedi karo dagaal sokeeye iyo qabyaalad oo ay tahay inuu dalku ka koray, una gudbay nidaam dowladeed oo dhammaystiran. Waxa uu sidoo kale ka soo horjeedaa wax kastoo dib innoogu celin kara xilliyadii mugdiga ee dalku ka soo gudbay.
 
Somaliland Forum waxa uu ku baaqayaa in labada dhinac ay si degdeg ah isu soo horfadhiistaan, ugana wada hadlaan sidii xal waara looga gaadhi lahaa arrinta xisbiga aafaysay. Waxa xaqiiq ah in tanaasul la¡¦aan aanay wax qabsoomi karaa jirin, sidaa awgeed waa in madaxda xisbigu isu tanaasulaan kana wada hadlaan sida ugu habboon ee khilaafka loo dhamayn karo.
 
Somaliland Forum wuxu xal u arkaa in labada garab isku soo hor fadhiistaan si bilaa shuruud ah mustaqbalka, xisbigana ka fikiraan si aan xibigu saaxadda siyaasadda uga bixin.
 
Qarannimada Somaliland waxay ku dhisan tahay xisbiyada siyaasiga ah ee dalka ka jira haddii meesha ay ka baxaana waxa imanaya khalkhal iyo jahawareer ku yimaad hab-maamulka dowladnimo. Haddii saddexda xisbi mid ka mid ahi uu burburo waa lug ka mid ah lugaha ay dimuqraadiyadda dalku ku taagan tahay oo meesha ka baxday, qarankuna wuxuu noqonayaa mid dhutinaya oon hore u socon Karin.
 
Waxa iyana muhiim ah in la ogaado in khilaafka noocan oo kale ah uu ku iman karo xisbiyada kalee dalka, taasina noqon doonto mid cawaaqibkeedu aannu fiicnaan cadowga Somalilandna uu ku farxo.
 
Ugu dambayn, Somaliland Forum wuxuu ballanqaadayaa inuu gacan ka geysan doono dadaal kasta oo lagu soo af jarayo khilaafka xisbiga UCID waxaanuna ugu baaqayaa dowladda inay gacan ka geysato sidii dabkaas loo bakhtiin lahaa,¡¨ ayey ururka Somaliland Forum ku soo gunaanadeen baaqadooda ku wajahan khilaafka UCID iyo qaabka loo dhammayn karo.