Guddoomiyaha SOLJA oo sheegay inay dagaal ka galayaan sidii Garsoorku ugu dhaqmi lahaayeen Xeerka Saxaafadda ee ansaxa ah

Hargeysa(Berberanews)- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa shaaca ka qaaday inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waddo qorshe lagu doonayo in dhaska lagaga tumo Xeer hore qaybaha Warbaahintu uga soo horjeesteen, isla markaana dagaal ka galeen wakhtigii Xukuumaddii Rayaale.

Xasan Maxamed Yuusuf, waxa uu sheegay inaanay meesha oollin baahi loo qabo Xeer Saxaafadda Somaliland cabbudhinaya oo la soo nooleeyo iyo sidoo kale sabab ay Hay’adaha Garsoorku ugu dhaqmaan Xeerka Ciqaabta marka ay Dacwado Saxaafadeed gacanta ku qabtaan. Sidaa daraaddeedna, waxa uu ku dooday Guddoomiyaha SOLJA inay urur ahaan ka dagaallamayaan ku dhaqan la’aanta Xeerka Saxaafadda ee ay Golayaasha Baarlamanka iyo Madaxweynuhuba ansixiyeen.
“Xukuumaddu dhawaan waxay soo saartay Xeerka Saxaafadda oo loogu talogalay in lagu dabbaqo wixii Dacwado ah ee madani ah ee dhinaca Saxaafadda ka yimaadda. Iyada oo uu jiro Xeer soo maray Wakiillada iyo Guurtidaba, waa Xeer Madaxweynuhu soo saxeexay, waa xeer dhaqan-galkiisii la ansixiyay oo Maxkamadaha loogu soo gudbiyay inay dhaqan-galiyaan.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Maxamed Yuusuf oo Sabtidii toddobaadkan hadal ka jeediyey Kulan Suxufiyiin kala duwan loogu qabtay Hargeysa oo lagaga hadlayey muhiimadda ay Naas-nuujintu u leedahay dhallaanka iyo Hooyada labadaba.
Waxaanu Xasan oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Laakiin weli waxaad mooddaa inay ku dhegsan yihiin Xeerkii Ciqaabta, kaannu doonayno inaannu ka doodno oo aannu culayska saarno oo Dacwadaha dhinaca Saxaafadda ka yimaadda lagu qaado arrinkaasuu ahaa, waa arrin aannu dagaal kaga jirno, maaddaama oo Xukuumadduna ay soo saartay in lagu dhaqmo sabab Garsoorka ama Xeer-Ilaalintu ay hoosta u dhigaan oo ay u soo qaataan kii Ciqaabta ahaa runtii ma taallo.”
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed, mar uu la hadlayey Weriyayaasha kulanka loo qabtay waxa uu yidhi; “Waxaan ku dardaarayaa Saxaafadda inay doorka ugu muhiimsan ka qaataan hawsha Naas-nuujinta Carruurta, waa inaynu Hooyada ku wacgelinaa in ilmaha naaska la siiyo, runtii innaguna maynaan jirneen, dadkuna may tamariyeen haddaan hooyada naaskeedu jirin, immikana inaynu doorkii wanaagsanaa ee hooyadu lahay ku baraarujinno waxaan u arkay inay tahay lagama maarmaan, cidkasta marka la eego innaga Saxaafad ahaan ayuu xilka ugu wayni inna saaran yahay.”
 
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com