Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha Hargeysa iyo Camuud oo ka soo laabtay socdaal ay ku tageen dalka Jabuuti

Hargeysa(Berberanews)- Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Prof. Muuse Cabdi Cilmi iyo Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof. Saleebaan  Axmed Guuleed ayaa maanta soo gaadhay caasimada Hargeysa ka dib socdaal ay ku tageen dalka Jabuuti.

Gudoomiyeyaashan Labadan jaamacadood ayaa ka qaybgalay barnaamij lagaga hadlayey sidii loo xoojin lahaa luuqada Soomaaliga ee jamaacadahaasi dhigaan oo ay soo qabanqaabiyeen qorayaasha Pen ee fadhigoodu yahay dalka Jabuuti. Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed iyo Muuse Cabdi Cilmi ayaa markii ay garoonka diyaaraha ka soo degeen xogwaran kooban siiyay Wargeyska Ogaal ay kaga warameen wixii shirka ay ka qaybgaleen uu ku saabsanaa.

Gudoomiyaha Jaamacad Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed oo faahfaahin ka bixiyyay ujeedadooda ayaa yidhi “Waxaan ka qaybgalay shir jaamacadaha wixii afka-soomaaliga ku hadla oo dhan ee geeska Afrika oo ay ku jiraan labadan jaamacadood ee Camuud iyo Hargeysa, sida  jaamacada Jigjiga ta Diridhaba ta Jabuuti laba jaamacadood ee Banaadir iyo Muqdisho iyo laba Puntland ah. Waa jaamacadaha wixii mandaqada geeska Afrika af-soomaali ku hadlaa lagagagna hadlay faafinta iyo xoojinta halka afka-soomaaliga ee waxbarashada, markaa wuxuu ahaa mid dhaqan ee muu ahayn mid siyaasadeed runtiina waxay ahayd inay jaamacaduhu ay barnaamjiyadooda si xoojiyaan oo ay meel ay joogaan afka laga sii faafiyo waayo aduunyadu waxay leedahay afaf badan”.

Mar waxa laga waydiiyay cida soo qabanqaabisay waxaa uu yidhi “Waxaa soo qabanqaadisa qoladan la yidhaahdo Pen oo waxay ahayd araar ay jaamacaduhu ay qaarba talo-keeneen marka kuwaas ayaa casuumada lahaa oo u fadhigoodu yahay dalka Jabuuti .” Mar wax laga waydiiyay waxa ay ka soo bixi kara faafinta barashada afka Soomaaliga ayuu ku jawaabay; “Waatan iyada horreysiyay oo aan lahaa aragti midaysan ayaa laga yeeshay inuu af Soomaaligu yahay wax dadku wada leeyihiin. marka jaamacadaha dalku way dhigaan af Soomaaliga oo ta Jabuuti ayaa dhigta oo kuwa Muqdisho gaarbaa dhiga marka waa in barnaamjiyada la sii xoojiyo.

 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.