Ciidammada Uganda ee ku sugan Muqdisho oo mushahar yaraani lasoo deristay

Kampala(Berberanews):- Askar ka tirsan Ciidammada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa u sheegay Wargeyska Sunday Monitor ee kasoo baxa Dalka Uganda Caasimaddiisa Kampala in 200-Doollar laga jaray mushaharaadkooda bil walba, iyagoo sheegay inaanay garanayn sababta mushahar dhimista loogu sameeyey.

Ciidammadaas oo aan magacyadooda sheegin ayaa intaa ku daray in Taliyaha Ciidammada lugta ee Uganda Jen. Katumba Wamala uu u sheegay bishii January 2011 mar uu booqday Muqdisho in mushaharkooda la kordhin doono lagana dhigi doono 1,028 Doollar bil walba, balse wixii muddadaas ka dambeeyay la siinayay 750-dollar.

Saraakiisha Ciidammada Uganda oo wax laga weydiiyey mushahar dhimistaas ayaa sheegay inaanay garanayn sababta, balse ay hore Qarammada Midoobay ugu sheegtay in 200-dollar laga jarayo mushaharaadka Ciidammadooda si qalab loogu iibiyo.
Askarta ka cabanaya mushahar yaraanta ayaa sheegay in mushaharkoodii sannadkan oo dhan laga siiyay bishan June oo keliya, balse waxaa taas gaashaanka ku dhuftay Jen. Katumba Wamala, isagoo sheegay in la isku siiiyay January illaa March, haddana mushaharkoodii la siiyay.  “Waa been aanay waxba ka jirin inaan hal bil oo keliya bixinnay mushaharaadka Ciidanka. Dhab ahaan bil walba waan siinnay mushaharaadkooda.” ayuu yidhi Jen. Wamala.
Afhayeenka Ciidamada Uganda Flix Kulayigye oo isna wax laga weydiiyay mushahar dhimista ay ka cabanayaan Ciidammadooda ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay inay wax ka jiraan, balse wuxuu diiday inuu bixiyo faahfaahin intaas ka badan. Ciidammada Uganda oo keliya maaha kuwa ka cabanayay mushahar la’aanta ee ku sugan Soomaaliya, balse waxaa hore cabashadan oo kale saxaafada ugu gudbiyay ciidamada ka socda dalka Burundi, kuwaasoo sheegay inaanay garanayn halka ay maraan mushaharadkooda.
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qaybqaadanaya 12,000 askari oo ka socda dalalka Burundi iyo Uganda, kuwaasoo dowladda Soomaaliya gacan ka siiya dagaalka ay kula jirto kooxda Al-shabaab.
 
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.