Uganda oo kumannaan Askari Ku kordhisay Ciidammo Hore uga Joogay Muqdisho

Muqdisho(Berberanews)- Dawladda Uganda ayaa Ciidammo kale oo dheeraad ah u soo dirtay dalka Soomaaliya, kuwaasoo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, isla markaana waxay qeyb ka noqon doonaan Ciidammada Midawga Afrika halkaa ka jooga.

Askartaas ka socota dalka Uganada , ayaa tiradooda lagu sheegay in ay ku dhowdahay 3,000 Askari, waxaanay ku biiri doonaan 9,000 oo Askari oo Amisom ah oo hataan ku sugan magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidammada Amisom Gen. Fred Mugisha oo garoonka Muqdisho kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidammadaasi ay yihiin kuwo ka socda dalka Uganada, waxaanu sheegay in lagu soo biiriyey howgallada Amisom ee magaaladda Muqdisho.

Gen. Fred Mugisha ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyey 700 oo Askar Amisom ah kuwaasi oo garoonka laga dhoofiyey ka dib markii la soo dejiyey 3,000 oo askari, waxa uuna tilmaamay in Askarta la dhoofiyey badal uu ku dhacay islamarkaana bilado la siiyey.

Ugu dambeeyntii Gen. Fred Mugisha ayaa sheegay in ciidamada Amisom ee haatan jooga magaalada Muqdisho garaayaan 11,000 oo askri oo ka socda dalka Uganada iyo Brundi islamarkaana ay xoojin doonaan howlagada ka dhanka ah Al Shabaab.

Berberanews.com

Hargyesa/Somaliland.

 

k