Maamulka Puntland oo Maxkamadeeyey Weriye Madax-bannaan iyo Saxaafadda dunida oo cambaaraysay

Boosaaso(Berberanews)- Maxkamdda Derajada koowaad ee magaalada Boosaaso ayaa  Wariye Faysal Maxamed Xasan (Faysal-Boston) maanta ku xukuntay hal sano oo xadhig ah, kaddib markii lagu eedeeyey inuu baahiyey war ku lid ah maamul-goboleedka Puntland.

 

Wariye Faysal-Boston oo afar maalmood ku jiray Xabsiga Boosaaso, ayaa lagu eedeeyey in laba nin oo iyagoo Gowracan lagu arkay duleedka Boosaaso uu ku sheegay inay xidhnaayeen Dharka Ciidammada Puntland. “Maxkamaddu waxay Faysal ku eedeysey laba qodob oo kala ahaa inuu daabacay war uu ku sheegay in shacabku ay codsadeen inuu is-casilo Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) iyo war kale oo ku saabsanaa labada nin ee la Gorwacay, waxaana markii ay Dacwaddu socotay uu Garsooruhu ku dhawaaqay in lagu xukumay hal sano oo xadhig ah.” Sidaa waxa sheegay Hilaal Axmed Xirsi oo ah Xaaska Faysal-Boston oo ka mid ahayd dadkii ku sugnaa Maxkamadda markii uu xukunku dhacayey.

 

Garsooraha Maxkamadda ayaa la sheegay inuu ku gacan-saydhay Qareenkii u doodayey Faysal-Boston, wuxuuna sheegay inuu Weriyuhu Rafcaan ka qaadan karo xukunka, sidoo kalena uu iibsan karo Xabsiga, inkastoo aan la sheegin caddadka lacagta lagu iibsan karo.

 

Ciidammada ammaanka Boosaaso ayaa Weriye Faysal Maxamed Xasan (Boston) u kexeeyey markii uu xukunku dhacay Xabsiga weyn ee Boosaaso, waxaana Xaaskiisu ay sheegtay in goobta lagu xidhay ay tahay meel aad u kulul, xilliganna uu kuleyl darani ka jiro magaalada Boosaaso oo ka mid ah Xeebaha dalka Soomaaliya ugu kulul Xilliyada Xagaaga oo hadda bilaw ah.

 

Xukunka lagu riday Weriye Faysal-Boston oo ka mid ahaa Weriyayaasha Shabakadda wararka Internet-ka ee Hiiraanonline.com u uga warrama Puntland, waxaana xadhiggiisa cambaareeyey qaybaha kala duwan ee Saxaafadda Puntland iyo ururrada Saxaafadda u dooda iyagoo ku tilmaamay xukun lagu cabudhinayo Saxaafadda xorta ah.

 

Hay’adda difaaca Suxufiyiinta calaamka ee CPJ ayaa iyaduna ugu baaqday maamulka Puntland inay si shuruud la’aan ah kusii daayaan Faysal-Boston oo ka tirsan Hiiraan Online. Sidoo kale, Ururka Shabakadaha Somaliland ee magiciisa loo soo gaabiyo (SOA), ayaa si weyn u cambaareeyey qaabka uu u dhacay Xukunka Weriye Faysal Boston, iyaga oo Maamulka Puntland ugu baaqay inay si dhakhso ah xorriyaddiisa ugu soo celiso Weriyaha.

 

Xukunkaas ayaa imanaya xilli Madaxweynaha Puntland uu ugu hanjabay Suxufiyiinta Puntland ka howlgala inay xidh-xidhi doonaan haddii ay ka horyimaaddaan Maslaxaddooda sax iyo qaladba. Taasoo muujinaysa sida maamulka Puntland ay uga go’an tahay la dagaallanka Xorriyatul-qawlka iyo madax-bannaanida Warbaahinta.

 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.