Hambalyo ku socota Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Maxkamadda sare ee Somaliland

Guddoomiyaha Ururka Xuquuqda Aadamaha iyo horumarinta Haweenka Somaliland ee Gaashaan Marwo Saynab Xaaji Maxamed Gaas, waxay hambalyo iyo bogaadin u hawada u marinaysaa Guddoomiyaha cusub ee Madaxweynaha Somaliland shalay u magacaabay Maxkamadda sare ee dalka Yuusuf Ismaaciil Cali, oo ay ku tilmaantay nin soo noolayn kara kalsoonida bulshada reer Somaliland ee dhinaca Garsoorka iyo Caddaaladda oo ay xustay inuu si weyn isugu dhex daadsanaa sannado badan.

Dhinaca kale, Qoraal Hambalyo ah oo uu na soo gaadhsiiyey Xoghayaha guud ee Ururka Garyaqaannada Somaliland ee Gargaar Garyaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan Xaaji Nuur. Waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:- “Dhammaan Madaxda, Xubnaha iyo Shaqaalaha Ururka Garyaqaannada Somaliland ee Gargaar, waxay hambalyo u dirayaan si weyna u soo dhawaynayaan Yuusuf  Ismaaciil Cali oo Shalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland.

Ururka Gargaar, wuxu u arkaa in Guddoomiyahan cusubi aqoon ahaan, akhlaaq ahaan iyo karti ahaanba yahay mid hanan kara xilka loo magacaabay. Marka loo eego Xirfaddiisii Garsoor iyo habdhaqankiisa laga arkay.

Sidaa daraaddeed, waxaannu u aragnaa tallaabada Madaxweynuhu ku magacaabay ahayd tii ugu hobboonayd. Dhammaantayo waxaannu Illaahay uga rejeynaynaa inuu ku guuleeyo hagaajinta iyo Garsoorka dalka. Noqdana kii soo celiya kalsoonidii shacabka ee arrimaha Caddaaladda iyo Garsoorka.”