Burco: Kaalin Shiidaal Oo Shuf-beeshay, Tirada Dhaawacyo Ka Soo Gaadhay Dad Rayid Ah iyo Maamulka Oo Ka Gaabiyay Inay U Gurmadaan

Burco-(Berberanews)- Inta la ogyahay saddex ruux, ayaa dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen, ka dib markii ay uu dab qabsaday kaalin shiidaal oo ku taal badhtamaha magaalada Burco.

Saddexda ruux eek u dhaawacmay shilkan oo haatan lagu daawaynayo cisbitaalka guud ee magaalada Burco waxay ka mid ahaayeen dadweyne fara badan oo gacan ka geysanayay bakhtiinta kaalinta shiidaal ee dabku qabsaday oo ku taal ka soo horjeeda Garoonka Kubadda Cagta Burco.

Taliyaha Booliska Burco oo ka hadlay goobtan shilkani ka dhacay, ayaa sheegay in baadhitaan ciidanku sammeeyay ay ku xaqiijiyeen in dabku ka bilaabmay kaalinta gudaheeda, balse aanay jirin wax meel kale kaga yimi.

Isku-day dadweyne fara badan oo reer Burco ahi kaga qaybgaleen sidii loo bakhtiin lahaa kaalinta ayaan guulaysan, waxaana gebi ahaanba shuf belay agabkii iyo dhismihii goobta ay ku taalay.
Maamulka Gobolka Togdheer iyo dawladda hoose ee Burco oo iyaga si gaara xil uga saaranyahay badbaadinta shacabka iyo ilaalinta noloshooda, ayaa ka gaabsaday inay wax gurmad ah ka geysteen sidii loo bakhtiin lahaa kaalinta muwaadinniintu gacmahooda ula tegeen inay bakhtiyaan ee dhibaatadu ka soo gaadhay.

Shilalka gubashada oo ku badan guud ahaan magaallooyinka waaweyn ee Somaliland waxay dhibaato weyni ka haysataa bulshada gaadiidka dab-demiska oo aan magaalooyinka qaarkood lahayn, halka kuwa lehina aanay nasiib u yeelan, maadaama ay xilli danbe soo gaadhaan goobaha gubta.
Weriye Mukhtaar Maxmed Jamac
Berberanews.com, Burco