Raysal-Wasaarahii Hore Ee Soomaliya Oo Ka Badheedhay In Taliskii Siyaad Barre Talaabooyin Bani-Aadaminada Ka Baxsan Ka Geystay Somaliland.

Lodon, July 2,2011 (Berberanews) – Raysal-wasaarihii hore ee dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya Md Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay qiray in mushaakilaadka amaan daro ee ka jira dalka Soomaliya ay sabab u tahay gumaadkii ka dhacay Somaliland 1988-kii.
Md Maxamed Cabdilaahi Farmaajo waxa uu sheegay in dhibaatadda 20-tan jirsatay ee ka taagan Soomaliya ay ku timid tanaasul la’aan ka timid maamulkii Madaxwayne Maxamed Siyaad Barre oo talaabooyin xaq daro kaga jawaabtay tabashadii shacabka ku dhaqanka gobolada waqooyi ee hadda ah Somaliland, kuwaas oo loo adeegsaday awood milatari oo keentay in dad badan u dhintaan duqayn dhinaca cirka oo ciidamadii Siyaad Barre ka geysteen Magaalooyin ay ka mid tahay Hargeysa.
Raysal-wasaarahii hore ee dawladda Sheekh Shariif oo xalay ka hadlayay munaasibad loo sameeyay 51 guuradda ka soo wareegtay wakhtigii dalka Soomaliya xornimadiisa ka qaatay gumaystihii Talyaaniga 1.7.1960-kii, isla-markaana ku beegnayd midowgii Somaliland iyo Soomaliya, ayaa waxa uu iftiimiyey in dawladii Maxamed Siyaad Barre ay talaabooyin arxan daro ah kula kacday shacabka reer Somaliland oo wakhtigaa ka kacay cadaalad darooyin badan oo ay ka tirsanayeen maamulkiisa, kacdoonadaas oo aakhirkii sababay burburkii ku yimid guud ahaan dawladii dhexe ee Soomaliya “Dawlad la’aan maanta Soomaliya ka jirtaa waxa sabab u ah tanaasul la’aanta xukuumadihii Soomaliya soo maray ilaa 1960-kii” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waayo 1988-kii xasuuqii ka dhacay Hargeysa wuxuu ahaa mid xaq daro ah, xukunkii jirayna umuu tanaaulin tabashadii shacabka gobolada waqooyi (Somaliland), ilaa xukunkiisii burburay.”
Md Farmaajo, waxa kale oo uu soo qaaday “Dagaaladii jabhadaha ee 1988-kii haddii qaab siyaasadeysan looga hor-tagi lahaa, lana dhageysan lahaa, khilaafkii jirayna la xalin lahaa Soomaliya may burburteen, ilaa maantana Soomaliya isku tanaasul la’aantaa ayaa jirta, aniguna sababtaas ayaan isku casilay” Ayuu yidhi Md Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ka hadlayay goob ay soo buux dhaafiyeen in ka badan 2000 oo qof oo dhammaantood ka soo jeeda dalka Soomaliya.  
Munaasibadan uu ka hadlay Mr Farmaajo waxa qaban-qaabadeeda lahaa telefiishanka Universal, iyadda oo ay xidhiidhinayeen xafladda wariyayaal uu ka mid yahay Axmed Xasan Cowke.
Berberanews.com
Info@berberanews.com
Lodon