Berbera: Xus Loo Sammeeyay Dabaal-dega Sannad-guurada 51aad ee Ka Soo Wareegtay Xoriyaddii Somaliland Ka Qaadatay Ingiriiska

Berbera-(Berberanews)- Magaalo-xeebeedda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil waxa xalay laga xusay sannad-guurada 51aad ee ka soo wareegtay markii maxmiyaddii Boqortooyadda Ingiriisku xoriyadda siisay Somaliland oo ku beegnayd 1960kii.
Munaasibad-xuseedka loo sammeeyay sannad-guuradan oo xallay lagu qabtay fagaaraha 26ka June ee Berbera waxa ka soo qaybgalay Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax), Maareeyaha Dekedda Axmed Yusuf Dirir, Xoghayaha Dawladda Hoose Cali Maxamed Cilmi iyo dadweyne tiro badan.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan oo xuskaa hadal dheer ka jeediyay, ayaa ka hadlay qiimaha maalintani Somaliland u leedahay, isagoo tilmaamay inaan Somaliland ka faa’iidin xoriyaddii ay qaadatay 1960kii markii affar cisho ka dib calankii Somaliland qaadatay ay si bilaa shuruud ah ula midoobeen Muqisho, ka dibna ay muddo 20 sanno ah oo dagaal iyo dhiig baan ku daatay shacabka Somaliland inay dib u heleen xoriyadaas ka luntay 1991kii “Waa maalin aan la ilaawi Karin; waa maalin taariikhiya oo ku suntan calanka Somaliland, inkastoo ay tahay wakhti murugo leh oo aynu doonaynay in shantii Soomaaliyeed midoobaan innagoo nafteennii iyo calankeennii u hibaynay dhibaatadii inagala soo kulantay aynu ogayn.”

Badhasaabka Saaxil waxa uu ka hadlay dhibaataddii Somaliland kala kulantaya midowgii Somalia, “Waxaa bilaabantay in dareenkii iyo rabitaankii shacabka Somaliland ay ka filayeen midowgii Somalia uu dhintay,  waxa fashilmay inqilaabkii dhallinyaradda Somaliland ee uu hogaaminayay Xasan-kayd oo innagii aynu dib ugu noqonay in innaga dib laynoo guumoosto.”

Xildhibaan Cabdalle Kidaare oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Deegaanka Berbera, ayaa isaguna ka mid ahaa masuulliyiintii ka hadlay xuska 26ka June ee ka dhacay Berbera, waxaannu yidhi,  “Caawa oo aynu u diyaar-garoobaynu 51 guuradii ka soo wareegtay markii aynu iska dhicinay guumaysigii ingiriiska oo ahayd 26 June 1960, waxaynu taaganahay caawa dawlad madaxbannaan oo calan leh, innagoo ka duulayna baadi goobkii shanta Soomaaliyeed ayaynu calankenii gaynay Somalia oo talyaanigu guumaysan jiray iyo Somaliland, waxaynu ka dhaxalnay aayo xun oo nimankii cashuurta innaga qaadayay baa madaafiic inagu garaacay, taasoo innoo suurtagelisay inaynu dib u helno xoriyaddii 1991kii, markii boqollaal caruur ahu ku agoomoobeen ee dhibaato badan laynoo geystay.”

Kooxaha hidaha iyo dhaqanka iyo fannaaniinta ee magaalada Berbera, ayaa iyaguna madasha ku soo bandhigay ciyaaro-dhaqammeed iyo heeso wadaniya oo ka turjumayay qiimaha xoriyadda iyo calanka.




Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com