Wasiirka Duulista oo si weyn loogu soo dhaweeyey dalka, Xadhiggana ka jaray Dhismayaal cusub oo lagu kordhiyey Madaarka Berbera

Berbera(Berberanews)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Berbera oo uu shalay ka soo degay, ka dib markii uu soo dhammaystay Safar uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa.

Wasiirka Duulista Hawada, waxa garoonka diyaaradaha ee Berbera ku soo dhaweeyey Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan oo uu horkacayo Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirrada Kalluumaysiga, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Badhasaabka Gobolka Saaxil, Maayarka Berbera, Masuuliyiin iyo dadweyne kale oo isaga kala yimi Hargeysa, Burco Berbera.

Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa uu markii la soo dhaweeyey ka dib xadhigga ka jaray dhismayaal cusub oo lagu kordhiyey qaybta laga soo dego (Tirminal) ee garoonka diyaaradaha Berbera. Waxaanu Wasiirku ka warramay ciddii bixisay iyo sida ay isugu keeneen kharashka lagu bixiyey dhismaha lagu kordhiyey madaarka magaalada Berbera. Taasoo uu sheegay inay ka ururiyeen Shirkadaha Diyaaradaha kala duwan ee dalka ka shaqeeya, Masuuliyiin, Ganacsato iyo Cashuurta aan sharciga ahayn ee laga qaado dadka Madaarrada ka soo degaya.

“Wuxu leeyahay Garoonkan Berbera Ranwey-ga afrika ugu qaalisan ee ugu wayn oo wax kastaa ay ka soo degi karaan, xattaa diyaaradaha Nukliyerka Xambaaraa, garoonkuna waxa uu tartan kula jiraa Afrika oo dhan. Maaddaama oo ay Berbera magaalo Ganacsi tahay, Garoonka diyaaraduhuna waxa uu noqon doonaa mid ganacsi.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiirka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi.

Mr. Maxamuud Xaashi, oo wax laga weydiiyey inuu ka qaybgalay Shir Soomaaliya qayb ka ahayd oo lagaga hadlayey Hawada Soomaaliya, waxa uu sheegay inaanay Somaliland hawo gaar ah lahayn maaddaama oo aanay Dunidu u aqoonsan dal madax-bannaan, sidaa awgeedna hawada Somaliland ay ka mid tahay hawada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, isla markaana wixii Soomaaliya wada lahayd ee ay Somaliland qaybteeda meel walba ugu tagayso, oo aanay cidna uga cabsoonaynin.

Waxa iyaguna halkaa hadallo soo dhawayn iyo ammaan ah ka jeediyey Wasiirrka Kalluumaysiga iyo  Khayraadka Badda, Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday, Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan iyo Maayarka Berbera Md. Cabdalla Maxamed Cali, kuwaas oo dhammaantood Wasiirka Duulista ku ammaanay inuu wax qabad muuqda muujiyey muddadii uu xilka hayey.

Wasiirka Duulistu, wuxuu markii dambe isla shalay u soo kicitimay dhinaca magaalada Hargeysa oo iyana lagu soo dhaweeyey. Waa markii ugu horreysay ee soo dhawayn noocan oo kale ah dalka loogu sameeyo Wasiirka Duulista Hawada Somaliland dalka gudihiisa.

Dhinaca kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxamed Faarax, oo hawlo Caafimaad dalka dibaddiisa ugu maqnaa, ayaa shalay isagana lagu soo dhaweeyey Madaarka Caasimadda Hargeysa oo uu ka soo degay. Agaasimaha oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha Hargeysa, ayaa sheegay in wakhtigan caafimaadkiisu aad iyo aad u fiican yahay, waxaanu si weyn ugu mahadceliyey xubnaha soo dhaweeyey.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.