Cristiano Ronaldo: Man United way i khiyaantay

Ciyaaro-(Berberanews)-Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in uu dareemayo inay “khiyaantay” kooxda Manchester United isla markaana lagu khasbay in uu isaga tago kooxdaas.

Ronaldo oo la hadlayay barnaamijka TalkTV uu daadihiyo Piers Morgan ayaa sheegay, “Waxaan dareemay in la ii khiyaanay, waxaan dareemay in dadka qaar ee ka tirsan aanay ila dooneyn in aan halkan joogo”.

Ronaldo lama safin ciyaartii ay kooxdiisa la dheesahy Chelsea bishii lasoo dhaafay kadib markii ciyaartii ka horreysay ee Tottenham uu diiday in uu baddal kusoo galo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in wax ixitiraam ah uusan ka helin tababaraha kooxda Ten Hag.

“Wax ixritaam uma hayo maadama uusan isagu ixtiraamin, Haddii aadan ixtiraam ii hayn, weligay kuuma ixtiraami doono.”

@Bbc Somali