Gudiga Anshaxa, Xalinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka JSL ayaa soo saaray ganaaxyo iyo go’aano la xidhiidha arimaha Ololaha Doorashda:
- Waxa ay Xisbiga Waddani iyo Kulmiye ka joojiyeen gebi ahaan isu-soo-baxyada iyo olalaha habeenkii.
- Waxay ganaax 20 Milyan SL Shilling ah ku rideen Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada oo Xisbiga Kulmiye u furay in ay ku ololeeyaan Khayriyada Magaalada Hargeysa, halka Xisbiyada kale na loo diiday habeenkoodii.
- Waxa ay mar labaad uga digeen in Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasaddu ay Olole ka dhigaan magaalada Ceel-afweyn.