Maraykanka oo u guuraya soo saarista gaadiidka Korontda ku shaqeeya

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday rajoooyin cusub oo lagu taamayo oo ah in la yareeyo qiiqa sunta ah ee ay baabuurtu hawada ku sii daayeen.

Hay’adda daryeelka Degaanka ayaa dooneysa in saddex meelood meel dhamaan baabuurta cusub in ay koronto ku shaqeeyaan toban sano gudahood.

Waa tallaabadii ugu dambeysay ee maamulka Biden ay ku doonayaan in dadku qabatimaan gaadiidka korontada ku socda ee Mareykanka .

Arrintaa ayaa lagu tilmaamay soo jeedintii ugu xooganeyd ee laga sameeyo iiqa baabuurta .

Yareynta qiiq gaadiidka ayaa lagu tilmaamay in ay xoojin doonto caafimaadka dadka ayna lacag u badbaadin doonto dadka gaadiidka leh.