“Raali kama nihin, in maanta dadka rabitaankooda Qori lagu xaliyo” Xasan Sheekh

Muqdisho-(Berberanews) -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood gobolka Sool.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehalada ay dhibaatadu kasoo gaadhay dagaalka Laascaanood, isagoo sheegay in la tixgaliyo rabitaanka shacabka ku nool deegaanada Sool iyo Sanaag xalkana uu ku jiro wadahadal iyo isku tanaasul si xal looga gaadho xiisadaha siyaasadeed.

“Mushkiladda ka taagan gobolada Sool iyo Sanaag xalkeeda waa xal Siyaasadeed in si siyaasadeed loo xaliyo, sidaas daraadeed waxa meeshaas ka dhacay waan ka xunahay raali kama nihin, in maanta dadka rabitaankooda Qori lagu xaliyo suura gal maahan” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Walaalayaal Xalka marnaba kuma imaanayo qori, in Boqolaal iyo kumanaan qof dilno kadib korkooda aan isku gacan salaano oo aan dhahno nabadaa ka dhali waa laga roonyahay, Odayaasha dhaqanka ha qaataan kaalinta ay leeyihiin oo ah kaalin nabadeed, haddana ay qaateen, waana ku boggaadinayaa” ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.