Somaliland oo gacanta ku dhigtay maxaabiis Ciidammada Puntland ka tirsan

Laascaanood-(Berberanews)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Sulayman Yusuf Koore, oo ka hadlay dagalka maalintii labaad ka socda Laascaanood, ayaa sheegay jn ciidanka Qaranku sii dayay Maxaabiis deegaanka.

Wasiir Koore waxa kale oo uu sheegay inay gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal oo iskugu jira argagixiso, ciidanka PSF ee Maamul Goboleedka.

“Ciidamadda Qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo ku jira iska difaacidda weerarada kaga imanaya  kooxaha Argagixisadu waxa ay gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal oo iskugu jira argagixiso, ciidanka PSF ee Maamul Goboleedka Puntland iyo dad deegaanka ah oo la soo qalday. 

Xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland  waxa ay siidaysay maxaabiistii u dhalatay deegaanka kuna dhawaacmay dagaalka ka socda Laascaanood oo eheladoodii lagu wareejiyay maanta…”

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta ahna Af-hayeenka Xukuumadda SJL