Afghanistan oo lagu soo bandhigay gaadhigii u horreeyay ee lagu sameeyo

Afganistan-(Berberanews)-Waddanka Afgaanistaan ayaa u dabaal degay baabuurkii koowaad ee lagu sameeyo gudaha dalkaas kaas oo guul laga gaadhey.

Gaadhigan oo ah nooca Ciyaaraha ayaa dhowaan shaaqadiisa la dhammeeyey ka dib shan sano oo hawshiisu socotay.

Waana baabuur midab ahaan madow ah oo ay gacantooda ku sameeyeen farsamo yaqaanno u dhashay dalka Afgaanistaan.

Shaqaalaha baabuurkan sameeyey ayaa la sheegay in aanay wax mushahara qaadan intii ay hawshu socotay.

Xukuumadda Daalibaan ee dalkaas ka talisa ayaa si weyn u boogaadisay kooxdii hawshan qabatay. Iyada oo baabuurkan gardaadin loogu sameeyey jidadka magaalada caasimadda ah ee Kaabul.

Baabuurkan ayaa lagu wadaa in uu ka soo muuqan doono bandhiga baabuurta ee gunaanadka sannadkan ka dhici doona dalka Qatar.