Maansadii ‘Dardaaran’ ee Abwaan Hadraawi

Hargeysa-(Berberanews)-Alle ha u naxariistee waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Hargeysa Marxuum Abwaan Marxuum Maxamed Ibraahim Warsame ‘ Hadraawi’. Ilaahay Jannatul Firdowsa ha geeyo.

Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa Maansadii uu kaga sii dardaarmay geeridiisa.

Cishaday dellegan tahay
Dalandool u tahay iil
Godka loogu daadego
Naftu way dayacan tahay;
Dulucdani nin nooloow
Anna tayda doqonta ah
Waa dardaarankeedii;

Qabrigaygu deyr ma leh
Derbi iyo astaan ma leh
Dugsashiyo ag-joog ma leh
Dunbukh iyo salaan ma leh
Damdam iyo aloos ma leh
Iyo darammal luuq dheer
Dab la rido ka waaweyn;
Ilmo layla daba galo
Naxashkayga lagu dedo
Duxi iima saarnee
Yaan layga sii darin!
Yaan la ii dabbaaldegin!

Kol hadday dacwadhan tahay
Dembigeeda keydka ah
Dibnaheedu qirayaan
Lafahayga duugga ah
Yaan dushooda lagu shirin
Billad dahab ah lagu tolin
Iyo taallo damac badan.

Qofka ii duceeyoow
Rabbigay ku darajee
Qofka iga ducaystoow
Dummaddaada weeyaan.

Abwaan: Hadraawi [#Dardaaran]