Pakistan oo samaysatay taangi casriya oo aan dunida laga heysan?

Pakistan-(Berberanews)-Milateriga casriga ah ee waddamada caalamka waxay qalabkooda ka saareen hub aad muhiim u ah oo la isticmaali jiray waa hore.

Waa nooc ka mid ah taangiyada oo lagu tilmaamay in ay yihiin hub laga gudbay, balse milateriga Pakistan ayaa go’aansaday in uu dib u casriyeysto hubkaas.

Labaatankii sano ee lasoo dhaafay waxay Pakistan ku mashquulsanayd dib u casriyeynta taangi lagu magacaabay Al-Khalid.

Muxuu yahay Al-Khalid?

Dowladda Pakistan waxa ay maalgelin wayn ku sameysay labo nooc oo ka mid ah taangiyadaas oo lagu guulaystay in si buuxda loo hormariyo.

Labada noocba waa isla taangiga Al-Khalid.

Warshad hubka farsamaysa oo ku taalla gudaha Pakistan ayaa taangiyadaas casriyaysay iyadoo taageero ka heleysa Shiinaha iyo Ukraine.

Labadaas nooc ee hubka ah waxaa hadda lagu soo kordhiyay liiska qalabka ugu muhiimsan ee ay adeegsanayaan militeriga Pakistan.

Al-Khalid waxa uu ka mid yahay gawaarida culus ee ku fiican dagaalka gacanta la iskula tago, waxaana aad loo adeegsan jiray 1990-meeyadii.

Markii ugu horraysay waxaa farsamadiisa billaabay Shiinaha oo soo saaray nooc lagu magacaabo 90-IIM.

Pakistan ayaa markii la soo gaaray sanadkii 2014-kii haysatay qiyaastii 310 taangi oo Al-Khalid ah.

Tan iyo xilligaas wxii ka dambeeyay waxaa la sameeyay tiro kale oo aad u badan.

Soo saaridda nooc saddexaad oo lagu magacaabo ‘Al-Khalid II’ ayaa dib u dhacday sababo la xiriira miisaaniyadda oo ku yaraatay.

Maxay Pakistan u danaynaysaa Taangiyadan?

Militeriga Pakistan ayaa kharash badan ku bixiyay mashaariicda lagu badinayo taangiga Al-Khalid maadaama ay aaminsan yihiin in ay khatar ugu jiraan dagaal dhinaca dhulka ah oo uga imaan kara waddanka deriska kala ah dhinaca bari [Hindiya].

Sababta cabsida iyo taxadarka keeneysa ayaa ah in militeriga Hindiya ay si wayn ugu hubaysan yihiin hubka loogu talo galay ciidamada dhulka.

Khubarada militeriga Pakistan ayaa aaminsan in warshadda hubka samaysa ee waaxda gaashaandhigga ay guulo lama filaan ah gaartay kaddib markii ay soo saartay jiilkii saddexaad ee taangiyada Al-Khalid.

Tani waxay meesha ka saaraysaa suurtagalnimo kasta oo ku saabsan in Hindiya ay dhinaca dhulka ka weerarto Pakistan.

Janaraal Abdul Qayyum, oo horay uga tirsanaa shaqaalaha warshadda qalabka militeriga ee Pakistan, kana mid ah khubarada ugu caansan ee ka faallooda arrimaha militeriga, ayaa sheegay in soo saaridda tiro badan oo taangiyada Al-Khalid ah ay ka dhigan tahay tallaabo horumar leh oo loo qaaday xoojinta awoodda militeri ee dalkiisa.

“Hadda waxaan haysannaa in ka badan 2,500 oo taangi, qaar badan oo ka mid ah taangiyadaasna waa Al-Khalid,” ayuu yiri.

Wixii ka dambeeyay markii la dumiyay darbigii Berlin sanadkii 1989-kii, labada quwadood ee uu ka dhaxeeyay dagaalkii qaboobaa ee caalamka, oo kala ahaa NATO iyo xulafada Ruushka, ayaa joojiyay farsamaynta taangiyo cusub.

Kaddib markii ay labada dhinacba ku dhawaaqeen joojinta dagaalkii qaboobaa, waxaa sidaas ku soo afjarmay samayntii xad dhaafka ahayd ee taangiyada cusub.

Inkastoo Mareykanka uu taangiyo u samaystay si uu ugu adeegsado dagaalladii ay ciidamadiisa ku galeen Ciraaq iyo Afghanistan, haddana waxa ay inta badan howlgalladiisa ku tiirsanaayeen dhinaca cirka.

@Bbc Somali