Booliska Dubai oo xidhay nin qaawanaan ku dhexmaray waddooyinka

Dubai-(Berberanews)-Booliiska Dubai ayaa xidhay muwaadin Carab ah oo ku kacay fal anshax xumo ah Jimcihii.

Hadalkan oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee Xafiiska Warbaahinta Dubai, ayaa soo baxay wax yar ka dib markii muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ay muujinayaan nin qaawan oo dhex mushaaxaya hareeraha waddooyinka xaafadda JBR ka hor inta aanu weerarin darawal gaadhi waday iyo askari ilaalo ahaa.

Booliska ayaa sheegay in baadhitaanada ay muujiyeen in uu qabo xanuun dhanka maskaxda ah oo aad u daran.

Qaawannimada dadweynaha waa ciqaab sharci gudaha UAE. Sida ku cad qodobka 358 ee xeerka ciqaabta Imaaraadka, qof kasta oo ku kaca fal anshax-xumo ah – sida qaawanaan dadweyne – waxa uu ku xad-gudbay anshaxa guud, waxana uu dembiilaha ku mutaysan karaa xadhig ugu yaraan lix bilood ah.

Berberanews.com
Info@berberanews.com