Ujeeddada Socdaal Madaxweynaha Somaliland ugu baxayo Dalka Maraykanka oo marti-qaad u fidiyey

Hargeysa (BerberaNews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa la filayaa inay socdaal shaqo ku tagayaan waddanka Maraykanka horaanta bisha March ee Sannadkan.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu marti-qaad rasmi ah ka helay dowladda Maraykanka, kaddib safarkii uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland dhawaan kaga soo laabtay Waddankaas oo uu kulamo kula qaatay qaar ka mid ah saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Waaxda gaashaan-dhigga ee Maraykanka.