Muxuu yahay masaajidka cajiibka ah ee laga helay Israa’iil?

Mid kamid ah masaajidyadii ugu horreeyay dunida, oo la dhisay 1,200 oo sano ka hor ayaa laga helay saxaraha Negev ee ku yaalla Israa’iil.

Cilmibaareyaasha dhinaca dhulka ee helay Masaajidkan ayaa sheegay in ay macquul tahay in la dhisay qarniyadii 7-aad ama 8-aad.

Waxay sidoo kale sheegeen inuu ka mid yahay masaajidyada ay dhif iyo naadir tahay in la helo noocooda.

Hay’adda qaabilsan waxyaabaha taariikhiga ah ee Israa’iil oo magaceeda loosoo gaabiyo (IAA) ayaa sheegtay in masaajidkan la helay xilli shaqo dhisme ah laga sameynayay goobta kuu ku aasnaa.
Waa masaajidkii ugu horreeyay ee da’daas ah oo laga helo dhulkaas, waxaana uu la mid yahay masaajidyo noociisa ah oo laga helay magaalooyinka Maka iyo Qudus, sida ay hay’adda IAA sheegtay.

Khubarada lagu kala magacaabo Jon Seligman iyo Shahar Zur ayaa sheegay inay adagtahay in masaajid noocan ah “laga helo meel kale oo ka tirsan caalamka”.

Cilmibaareyaasha ayaa aaminsan in masaajidkan ay xilligaas isticmaali jireen beeraley maxalli ah.

Masjidka la helay ayaa ah mid kor ka bannaan oo leh “mixraab” uu imaamka istaago.

Waxa uu mixraabkiisa jiho ahaan u jeedaa dhinaca Kacbada ku taalla magaalada Maka

Waa mid ka mid ah masaajidyadii ugu horreeyay ee la dhisay markii uu islaamku gaaray dhulka hadda loo yaqaanno Israel, xilligaasna waxaa qabsaday dad carab ah.

@Bbc Somali