Fannaaniinta Cawale Adan iyo Miss Xiis oo meherkoodii Jigjiga laysku arkay

Jigjiga-(Berberanews)-Fannaniinta Cawaale Aden iyo Miss Xiis Muxumed, ayaa maanta meherkoodu ka dhacay Caasimadda Jigjiga ee Ismaamulka Somalida Itoobiya.

Fanaaniin,abwaanno,Madaxdhaqameed, iyo marti sharaf badan ayaa kasoo qaybgalay Xafladda meherka.

Fannaanka Cawaale Aden, ayaa bartiisa facebook ku muujiyay dareenkiisa farxadeed. Waxaannu yidhi sidan:

“Ma u gogol fadhiistay gobtii soomaaliyeed.
Gacaladaan hablaha gaar u jeclaa.
Ma gudoomay guurkeedii geeynyadii hablaha.
Gar Alle caawaba ma ku gam’ay goshiyo laabteeda.”

Daawo sawirro