Sawir lacag qaali ah lagu kala iibsaday magaalada Hargeysa

Hargeysa-(Berberanews)-Magaalada Hargeysa ayaa lagu kala iibsaday sawir gacmeed ka hadlaya nolosha carruurta darbi jiifka ah ee aan hoyga haysan.

Waa markii ugu horraysay ee sawir gacmeed lacag kun dólar ku dhow lagu kala iibsado magaalada Hargaysa.

Ayaanle Axmed Cabdi oo ku magac dheer Ayaanle LK waa ninka sawir gacmeedka sameeyey, wuxuuna sheegay in lacagta ka soo xaroota lagu caawin doono carruurta darbi jiifka ah.

“Habeen dhawayd ayaan dhaxan dareemay oo xammili kari waayey, markaa waxaan ka fekaray ciyaal yaryar iyo dadyaw ila mid ah oo meel ay ku hoydaan aanay jirin, bal inaan dadkaa sawir ka sameeyo. Sawirkaasna aan gadi karno, lacagta ka soo baxdana aan ku taageeri doonno dadyawgaas iyo waxay kaga gaashaantaan dhaxanta.”

Sawirkan ayaa lagu baahiyey baraha bulshada, waxaan gadatay shirkad gaar ah oo lagu magacaabo Soomar Online oo siisatay lacag gaadhaysa 7 milyan oo shillinka Somaliland ah taas oo u dhiganta 800 oo dollar

@Bbc Somali