Maxkamada Gobolka Saaxil oo Xukun Xadhig iyo Ganaax Lacageed Isugu jira ku Riday Naakhuudayaal Wadanka Yaman U Dhashay.

Berbera, 06,Dec,2011-(Berberanews)-Maxkamada Gobolka Saaxil ayaa Saaka   Xukun Xadhig iyo Ganaax Lacageed  isugu jira, ku riday Naakhuudayaasha watay Doonyo Tiradoodu gaadhayso 14 Doonyood oo ay saaranyihiin 80 shaqaale ah.

kalluumaysatadan oo oo biyaha Badda Somaliland si sharci daro ah uga Kalluumaysanyey, ayaa laba maalmood ka hor waxaa Gacanta  ku soo dhigay Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland, iyaga oo ka Kaluumaysanaya Biyaha Bada Somaliland.

Maxkamada oo ay Saaka ka soo Xaadireen Saraakiil Sar sare oo ka socday Ciidamada Xeebaha,  Garyaqaano, iyo Dadwayne aad u tiro Badan, oo Dacwadan Dhagaysanyey,Kiiskan oo ay cadaymahiisa soo gudbiyeen Ciidanka ilaalada Xeebaha oo iyagu gacanta ku soo dhigay nimankan.

 

Lacag qiimaheedu u dhaxeeyo 2OOO- 7000 Dolar ayaa lagu xukumay Lix nin oo iyagu Doonyahan ka masuul ahaa, halka  Laba Doonyood oo la waayey cida lehaydna, ay  Maxkamadu ku wareejisay Ciidankii Gacanta ku soo dhigay, 3000kg oo Kalluun ah oo Saarnaa Weelka ay nimankani  wateen.  waxaa dhiiri galin looga dhiday Ciidamadam Xeebaha Somalind.

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Saaxil Cismaan Ibraahin Daahir( Fanax),  ayaa Maxkamada Horteeda ka akhriyey Qodobada loo cuskaday,  xukunka nimankank Kalluumaysatada ah,  “ Maxkamadu waxay u Cuskaday Xeerka 13aad qod 9aad iyo 10aad Xeerka Socdaalka 61 Xeerka Ciqaabta Guud, intaa ka dib maxkamadu waxay waydiisay, Eedaysanayaasha  waxa ay maxkamada ku codsamayaan Edaysanayaasha, waxaanay dhamaantood sheegeen in ay Maxkamada ka codsadeen, in loo soo celiyo xoriyadooda.

Magacyada Eedaysanayaasha.

Ibraahin Cabdoo Maxamed

Maxamed Cali Saalax

Sayid Cawda Syd

Maxamed  Ibraahin Cawd

Ibraahin Macaad Biish

Khadar Jamac Xaashi

Berberanews, Berbera