Masuul ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo Xabsiga loo taxaabay, ka dib markii lala xidhiidhiyay Dhacdadii dilalka Ceelberdaale

Hargeysa(Berberanews)- Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabatay  La Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha Siyaasada Abiib Diiriye Nuur (AbiibTimacad) oo sida wararku sheegayaan lagu xidhiidhinayo dhacdadii dilka ahayd ee ka dhacday Deegaanka Seemaal.

Wararka qabashada masuulkan xukuumadda ka tirsan ayaa sheegaya in qabashadiisa lala xidhiidhiyay dhacdadii dilalka ee shalay 5 Dec, 2011, ka dhacay deegaanka Ceelberdaale ee Saameel, halkaas oo dablay aan tiradooda iyo kuwa ay yihiin la aqoonsani ku dileen sadex qof.

Dhacdada dilalkaa ayaa kusoo beegantay iyadoo lasoo afjaray mushkilad hore mudo dheer uga taagnayd deegaankaa oo ah dhul Beeraley ah oo ay ku muransanaayeen qaybo ka mid ah Deegaanka Gabilay iyo Dilla oo ka tirsan Boorama.

Abiib Timacad wuxuu ka mid ahaa mujaahidiintii Ururkii SNM, isla markaana wuxuu xiligii Xukuumaddii Marxuum  Cigaal ee sagaashanaadkii noqday Wasiirka Ganacsiga, isagoo xiligii axsaabta lagaga dhawaaqay dalkana ka mid ahaa Ururkii SAHAN, balse ku biiray markii Ururkaasi ku hadhay doorashadii golayaasha deegaanka Xisbiga UDUB, kaas oo doorashadii Wakiilada kadib uu ka baxay una wareegay dhinaca Xisbiga Mucaaradka xiligaa ee KULMIYE.

Berberanews.com

Email, info