Hargeysa (Berberanews)- Garabka loo xukumay xisbiga UCID ee Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay in hanta badani oo xisbigu haystay kaga maqantahay garabkii uu hoggaaminayey Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo ay ku eedeeyeean inay kala naxeen akoonadii ay ku jirtay.
Shir jaraa’id oo ay maanta qabteen xubnaha xisbiga ku weheliya Eng. Faysal Cali-waraabe, waxay ku sheegeen in lacag adag iyo malaayiin shillinka Somaliland ah oo ka mid ahayd hantida xisbiga ay la baxeen masuuliyiinta garabkii laga xukumay wakhtigii khilaafku taagnaa.
Mr. Maxamed Xasan Khayre (Shabbaash) oo ka mid ahaa xubnaha shirka jaraa’id qabtay, ayaa soo bandhigay lacagta ay sheegeen inay ka maqan tahay iyo sifaha ay kaga baxday, waxaannu yidhi, “Xafiiska waxa ka maqan 33 milyan oo shillinka Somaliland ah oo lagala baxay Bangiga Dhexe iyo $7000 (toddoba kun) doollarka Maraykanka ah oo lagala baxay xisaabaadkii aannu ku lahayn xawaaladda Mustaqbal, waxaanna labada lacagayowba lala baxay 17-kii bisha, taas oo caddaynaysa tuugo cad, waxaannuna haynaa caddaymihii aannu ka soo qaadnay Bangiga iyo xawaaladda Mustaqbal. Waxa ku qoran magacyo laakiin amarka iyo saxeexa lacagtu ku baxday waxa iska leh Aadan Mire Waqaf oo hantidaasi loo dabagalayaa.”
Mr. Shabbaash waxa uu ku eedeeyey Xeer-ilaaliyaha guud inuu si cad u diiday inuu arrintaasi wax ka qabto, isla markaana uu ku gacansaydhay guddoomiyenimada Faysal Cali-waraabe ee xisbiga.
“Hantidaasi waa hanti xisbi qaran iyo ummadi leeyahay, waxaannu u tagnay ciidanka Bilayska iyo Hanti-dhawrka oo aannu waraaqo u qornay, si fiican bay noola hadleen oo waxay nagu yidhaahdeen Xeer-ilaaliyaha u taga, kadibna annaga oo afar xubnood oo fulinta ah iyo Guddoomiyaha xisbiga waxaannu xafiiskiisa ugu tagnay Xeer-ilaaliyaha Qaranka, annaga oo u gaynay caddaymaha aannu hayno, Xeer-ilaaliyuhu halkii aannu kala hadlaynay hanti luntay iyo fal-dambiyeed dhacay wadadii loo mari lahaa isagoo sare-taagan ayuu noogu jawaabay Guddigii Fulinta ee Aadan Mire Waqaf ha soo qoraan, maxkamaddu inay wax xukuntay ma aqoonsan tahay? Ayaanu waydiinay oo haa buu ku jawaabay, Faysal baa wuxuu ku yidhi anigu in aan Guddoomiyihii sharciga ahay ma aqoonsan tahay? Wuxuu yidhi ‘waxad tahay ku-meelgaadh, laakiin isuma sharraxi kartid guddoomiye shirweynaha mar kale.’ buu afbuuxa nagaga yidhi.”
“Hantidii aannu kala hadlaynayba wuu dhaafsan yahay oo xisbiga iyo guddoonkiisa ayuu ka hadlayaa, illeyn ninka aannu u dacwoonaynaa intii nagu haysatay (xisbiga) ayuu ka mid yahay, ninkaasi (xeer-ilaaliyaha guud) wuu diiday inuu tallaabo ka qaado arrintaas, waxaannu yidhi halkan baan idiin fadhiyaa ee haddii aad shirweyne kasta qabataan Faysal sooma saari kartaan,” ayuu intaa raaciyey Mr. Maxamed Xasan Khayre (Shabbaash).
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com