145 qof oo ku dhintay roobab ku dhuftay dalka Chad

Chad-(Berberanews-Ugu yaraan 145 qof ayaa ku dhintay ku dhawaad 1 milyan oo kalena waa ay saameeyeen roobab iyo daadad ku dhuftay qeybo badan oo ka tirsan Chad tan iyo bishii June, sida uu sheegay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xidhka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA.

Dhammaan 23-ka gobol ee dalka ayuu saameeyay, OCHA ayaa Arbacadii sheegtay warbixinteedii ugu dambeysay ee fatahaadda Chad.
“In ka badan 964,000 oo qof ama 166,000 qoys ayaa ay saameeyeen daadadkan laga soo bilaabo August 25, 2024. Waxaa jira 145 qof oo dhintay, in ka badan 251,000 oo hektar oo beero ah ayaa quusay, in ka badan 70,000 oo guri ayaa burburay, iyo 29,000 oo neef oo lo’ ah”  ayaa lagu yidhi Bayaanka kasoo baxay.

Gobolka Koonfur-galbeed ee dalka ayaa wajahaya dhibaatada ugu badan ee fatahaadaha, iyadoo in ka badan 560,000 oo qof ay saameeyeen.

Maamulka Chad, hay’adaha Qaramada Midoobay, iyo la-hawlgalayaasha bani’aadamnimada ayaa qaybinaya gargaar deg-deg ah, laakiin biyaha sare ayaa caqabad ku ah gaadhsiinta, ayaa lagu yidhi bayaanka.
“QM iyo la-hawlgalayaasheeda waxay u baahan yihiin lacag lagu qiyaasay 64 milyan oo Doollarka Mareykanka ah si loo caawiyo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen. Ilaa hadda, deeq-bixiyeyaashu waxay ku deeqeen kaliya 10 boqolkiiba lacagtan,” OCHA ayaa tidhi.