Berbera-(Berberanews)-Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland ayaa xayiraad kusoo rogtay Maxjarka Xoolaha Waddaniga ah ee Berbera.
Maxkjarka Xoolaha Waddaniga ah ee Berbera ayaa lagu eedeeyay inay ku kaceen khiyaaamo Qaran oo ay qayb ka yihiin shirqoolo loo maleegayp dhoofka Xoolaha Somaliland, kaasoo ay gadhwadeen ka yihiin Madaxweynayaasha Djibouti iyo Somalia oo doonaya in Kooto loogu xidho Shirkaddan Dhoofka Xoolaha Berbera, islamarkaana lasii mariyo dalka Djibouti, taasoo keentay in Dowladdu ku baraarugo oo ay soo saartay amatkan lagu joojiyay dhoofkii Xoolaha ee Maxjarkaas.
Dhankankale maamulka Maxjarkaas ayaa Jawaab ka bixiyay Go’aanka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland.
Sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxjarka Waddaniga ah ee Berbera Maxamed Jaamac Rooble.
Halkan hoose ka akhriso go’aanka Wasaaradda iyo jawaabta Maxjarka.